{"id":66906,"date":"2022-03-04T23:13:54","date_gmt":"2022-03-04T23:13:54","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66906"},"modified":"2022-03-04T23:13:54","modified_gmt":"2022-03-04T23:13:54","slug":"xildhibaanka-aqoonsiga-somaliland-dhex-geeyay-baarlamaanka-uk-oo-abaalmarin-la-siiyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/03\/04\/xildhibaanka-aqoonsiga-somaliland-dhex-geeyay-baarlamaanka-uk-oo-abaalmarin-la-siiyey\/","title":{"rendered":"Xildhibaanka Aqoonsiga Somaliland dhex geeyay Baarlamaanka UK oo Abaalmarin la siiyey"},"content":{"rendered":"<p>London:-Gavin Williamson, oo ah Xildhibaankii Baarlamaanka UK hor geeyay mooshin aqoonsi loogu raadinayo Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaanno \u201cknight\u201d ee ay boqortooyada Ingiriisku siiso shakhsiyaadka lagu sharfo adeegga ay qabteen.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Qofka abaalmarintaas la siiyo ayaa magaciisa laga hormariyaa \u201cSir\u201d oo muujineysa in uu darajadaas gaadhay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha UK, ayaa shaaciyay warka ku saabsan abaalmarinta xildhibaanka, kaasoo ay markii dmabeyna sii faafiyeen warbaahinta.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Mr Williamson, oo ah xildhibaanka Koonfurta Staffordshire, ayaa horay labo jeer looga qaaday xilal wasiirnimo, waxaana laga eryay shaqada xukuumadda.<\/p>\n<figure id=\"attachment_121337\" class=\"wp-caption aligncenter\" aria-describedby=\"caption-attachment-121337\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/123519970_cf28204b-255d-45af-9ab6-9e2ef3fca6de.jpg.webp?ssl=1\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-121337 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/123519970_cf28204b-255d-45af-9ab6-9e2ef3fca6de.jpg.webp?resize=696%2C392&#038;ssl=1\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"https:\/\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/123519970_cf28204b-255d-45af-9ab6-9e2ef3fca6de.jpg.webp 800w, https:\/\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/123519970_cf28204b-255d-45af-9ab6-9e2ef3fca6de.jpg-300x169.webp 300w, https:\/\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/123519970_cf28204b-255d-45af-9ab6-9e2ef3fca6de.jpg-768x432.webp 768w, https:\/\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/123519970_cf28204b-255d-45af-9ab6-9e2ef3fca6de.jpg-696x392.webp 696w\" alt=\"Gavin Williamson\" width=\"696\" height=\"392\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-121337\" class=\"wp-caption-text\">Gavin Williamson<\/figcaption><\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Bishii September ee sanadkii 2021-kii, Ra\u2019iisul Wasaaraha hadda xilka haya ee UK, Boris Johnson, ayaa Gavin Williamson shaqada wasiirnimada ka eryay kadiib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada. Waxa uu markaas ahaa Wasiirka Waxbarashada ee UK, oo uu hayay intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2021-kii.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Xilligaas ka horna waxa uu ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee UK.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Waxa uu jagada wasiirka waxbarashada hayay inta badan waqtigii uu jiray cudurka safmarka ah, waxaana si weyn loogu dhaliilay inuu waxba kama jiraan kasoo qaaday natiijada fasallada A-levels iyo GCSEs, labo sano oo xiriir ah. Sidoo kale waxaa lagu cambaareeyay xiritaanka iskuullada.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Mr Williamson ayuu magaciisa Soomaalida aad ugu dhex faafay kaddib markii uu bishii Jnauary ee sanadkan Baarlamaanka UK hor geeyay mooshin uu ku doonayay in madaxbannaanida Somaliland lagu aqoonsado.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Baarlamaanka ayaa ka dooday mooshinkaas, hase yeeshee dowladda UK ayaa ku adkeysatay mowqifkeeda ku aaddan in arrinta la xiriirta aqoonsiga Somaliland ay tahay mid go\u2019aankeeda ay leeyihiin mas\u2019uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">2019-kii ayuu booqasho ku tagay Hargeysa, isagoo markaas ahaa wasiirka gaashaandhigga ee UK, waxa uuna la kulmay madaxda Somaliland ee uu ka mid yahay madaxweyne Muuse Biixi.<\/p>\n<figure id=\"attachment_121339\" class=\"wp-caption aligncenter\" aria-describedby=\"caption-attachment-121339\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/105082260_was.biix_.jpg.webp?ssl=1\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-121339 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/105082260_was.biix_.jpg.webp?resize=696%2C392&#038;ssl=1\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"https:\/\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/105082260_was.biix_.jpg.webp 800w, https:\/\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/105082260_was.biix_.jpg-300x169.webp 300w, https:\/\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/105082260_was.biix_.jpg-768x432.webp 768w, https:\/\/aftahannews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/105082260_was.biix_.jpg-696x392.webp 696w\" alt=\"Gavin Williamson iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 2022\" width=\"696\" height=\"392\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-121339\" class=\"wp-caption-text\">Gavin Williamson iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 2022<\/figcaption><\/figure>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Williamson ayaa eedeymo kale ku waayay xilka wasiirka gaashaandhigga ee UK<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Ra\u2019isulwasaarihii hore ee UK Therasa May ayaa xilka ka qaadday Gavin sanadkii 2019-kii kadib markii ay ku eedeysay in uu saxaafadda u dusiyay waxyaabo looga hadlay shirka amniga qaranka UK.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee Ra\u2019isulwasaare Boris Johnson sanadkii 2019-kii.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Gavin ayaa xiligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhiga UK xilligii Ra\u2019isulwasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Inta uu wasiirka gaashaandhigga ahaa waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, balse ma uusan dhaafin xerada Xalane ee u dhow garoonka diyaaradaha.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Xigasho BBCSOMALI.COM.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>London:-Gavin Williamson, oo ah Xildhibaankii Baarlamaanka UK hor geeyay mooshin aqoonsi loogu raadinayo Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaanno \u201cknight\u201d ee ay boqortooyada Ingiriisku siiso shakhsiyaadka lagu sharfo adeegga ay qabteen. Qofka abaalmarintaas la siiyo ayaa magaciisa laga hormariyaa \u201cSir\u201d oo muujineysa in uu darajadaas gaadhay. Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha UK, ayaa shaaciyay warka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66908,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-66906","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/03\/Polish_20220305_020906692.jpg?fit=960%2C960&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hp8","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66906","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66906"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66906\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66910,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66906\/revisions\/66910"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66908"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66906"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66906"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66906"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}