{"id":66825,"date":"2022-02-28T20:11:15","date_gmt":"2022-02-28T20:11:15","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66825"},"modified":"2022-02-28T20:35:37","modified_gmt":"2022-02-28T20:35:37","slug":"somaliland-oo-war-ka-soo-saartay-xiisadda-dagaal-ee-dalka-ukraine","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/02\/28\/somaliland-oo-war-ka-soo-saartay-xiisadda-dagaal-ee-dalka-ukraine\/","title":{"rendered":"Somaliland oo War Ka Soo Saartay Xiisadda Dagaal ee Dalka Ukraine"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Xukuumadda Somaliland, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaalka ka socda dalka Ukraine, waxaanay labada dhinac ugu baaqday inay xal nabadeed ku dhammeeyaan xiisadda dagaalka socda.<\/p>\n<p>Milatariga dalka Ruushka ayaa 24-kii bishan duullaan ciidan ku qaaday dalka Ukraine, waxaanu xilligan dagaalku gaadhay caasimadda dalkaas ee Kiev iyo magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv, in kasta oo maanta la bilaabay wada-xaajood u furmay ergooyin ka socda labada waddan oo ku kulmay waddanka deriska ah ee Belarus.<\/p>\n<p>Tallaabada Milatari ee Ruushka ayaa sababtay inay dalalka reer Galbeedka iyo Xulafada isbahaysiga NATO kaga jawaabaan cuno-qabatayno dhaqaale oo lagu soo rogay dowladda iyo Ganacsada Ruushka si culays loogu saaro tallaabada Milatari ee ay ka qaadeen Dalka Ukraine.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay inay Somaliland u ducaynayso Shacabka Ukraine isla markaana ay rejaynayso in xal nabadeed lagu soo af-jaro xiisadda dagaal ee ka taagan dalkaas.<\/p>\n<p>Wasiir Ciise Keyd arrintan kaga hadlay qoraal uu soo dhigay\u00a0<a href=\"https:\/\/twitter.com\/DrEssaKayd\/status\/1498339061634932742\">bartiisa Twitter-ka<\/a>\u00a0kaas oo uu farriin wargelin ah ugu gudbiyey Ardayda reer Somaliland ee ku xayiran dalka Ukraine inay xidhiidh la sameeyaan Xafiiska xidhiidhka qurbejoogga iyo xafiisyada dublomaasiyeed ee Somaliland ku leedahay dalalka Yurub gaar ahaan Finland si loogu tabaabusheeyo qorshe ay kaga baxaan dalkaasi oo xaaladdiisa nabadgelyo ka sii darayso.<\/p>\n<p>\u201cIyadoo xaaladda dalka Ukrain ay ka sii darayso, waxay Jamhuuriyadda Somaliland diraysaa Baaq nabadeed. Waxaanu Qalbigayaga ku haynaa una ducaynaynaa dadka reer Ukraine, waxaananu rejaynayaa xal nabadeed oo la gaadho,\u201d Sidaas ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku sheegay qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Wasiir Ciise Keyd oo qoraalka ku lifaaqay warqad xambaarsan xogta iyo ciwaannada ay tahay inay xidhiidhka la sameeyaan ardayda Somaliland ee ku sugan dalka Ukraine, waxa uu intaas u daray, \u201cFadlan la wadaag ogeysiiskan muhiimka ah ardayda reer Somaliland ee ku xayiran Ukraine.\u201d<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"66826\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/02\/28\/somaliland-oo-war-ka-soo-saartay-xiisadda-dagaal-ee-dalka-ukraine\/somalilander-in-ukraine\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/somalilander-In-Ukraine.jpg?fit=696%2C583&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"696,583\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;0&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;0&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;0&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;0&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;0&quot;}\" data-image-title=\"somalilander-In-Ukraine\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/somalilander-In-Ukraine.jpg?fit=696%2C583&amp;ssl=1\" class=\"alignnone size-full wp-image-66826\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/somalilander-In-Ukraine.jpg?resize=696%2C583&#038;ssl=1\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"583\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/somalilander-In-Ukraine.jpg?w=696&amp;ssl=1 696w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/somalilander-In-Ukraine.jpg?resize=300%2C251&amp;ssl=1 300w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/somalilander-In-Ukraine.jpg?resize=501%2C420&amp;ssl=1 501w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n<p>Wargelinta loo diray Ardayda Somaliland ee ku xayiran Ukraine, ayaa lagu sheegay inay xafiiska Qurjeboogga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala xidhiidhaan telefoonnada kala ah\u00a0<strong>+252 65 4403392<\/strong>\u00a0ama\u00a0<strong>+46 76 249 1746<\/strong>\u00a0iyo sidoo kale Safaaradda Somaliland ee dalka Finland oo ay kala xidhiidhayaan\u00a0<strong>+358 46 8468866<\/strong>\u00a0iyagoo adeegsanaya barnaamijyada xidhiidhka bulshada ee\u00a0<strong>WhatsApp, Signal\u00a0<\/strong>iyo<strong>\u00a0Telegram.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warka\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><span class=\"embed-youtube\" style=\"text-align:center; display: block;\"><iframe loading=\"lazy\" class=\"youtube-player\" width=\"696\" height=\"392\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/qcec9T3Ejvo?version=3&#038;rel=1&#038;showsearch=0&#038;showinfo=1&#038;iv_load_policy=1&#038;fs=1&#038;hl=en-US&#038;autohide=2&#038;wmode=transparent\" allowfullscreen=\"true\" style=\"border:0;\" sandbox=\"allow-scripts allow-same-origin allow-popups allow-presentation allow-popups-to-escape-sandbox\"><\/iframe><\/span><\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Xukuumadda Somaliland, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaalka ka socda dalka Ukraine, waxaanay labada dhinac ugu baaqday inay xal nabadeed ku dhammeeyaan xiisadda dagaalka socda. Milatariga dalka Ruushka ayaa 24-kii bishan duullaan ciidan ku qaaday dalka Ukraine, waxaanu xilligan dagaalku gaadhay caasimadda dalkaas ee Kiev iyo magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66827,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-66825","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/Snapshot_1242.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hnP","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66825","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66825"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66825\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66829,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66825\/revisions\/66829"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66827"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66825"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66825"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66825"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}