{"id":66795,"date":"2022-02-27T16:36:57","date_gmt":"2022-02-27T16:36:57","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66795"},"modified":"2022-02-27T16:38:15","modified_gmt":"2022-02-27T16:38:15","slug":"soomaaliya-oo-cambaaraysay-xidhiidhka-sii-cuslaanaya-ee-somaliland-iyo-taiwan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/02\/27\/soomaaliya-oo-cambaaraysay-xidhiidhka-sii-cuslaanaya-ee-somaliland-iyo-taiwan\/","title":{"rendered":"Soomaaliya Oo Cambaaraysay Xidhiidhka Sii Cuslaanaya Ee Somaliland Iyo Taiwan"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Dawladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.<\/p>\n<p>Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane, ayaa sheegay inay Dawlad ahaan Cambaaraynayaa sida wanaagsan ee Taiwan ula Macaamilayso Somaliland, taa beddelkeedana ay ilaalinayaan waxa uu ugu yeedhay &#8216;Midnimada dhuleed ee Soomaaliya&#8217;.<\/p>\n<p>&#8220;Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland..&#8221; ayuu yidhi Ambassador Kulane oo u warramay Telefiishan Shiinaha laga leeyahay, waxaanu intaa ku daray inay ilaalinayaan Midnimada Soomaaliya &#8220;Waxaanu mar walba ka ilaalin doonaa Madax-banaanida qaranka Soomaaliya,haddii ay tahay Taiwan ama hay\u2019ad kale..&#8221;<\/p>\n<p>Safiirka Soomaaliya ee Shiinuhu wuxuu Somaliland ku eedeeyay inay Xasillooni-darro ka abuurto Soomaaliya, halka Taiwana uu ku \u00e8edeeyay in qaabka ay Somaliland ula macaamilaysaa ay abuurayso dhibaato ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya oo uu ula jeedo Somaliland &#8220;Qaabka ay Taiwan u dhaqmayso runtii waa wax laga naxo, waayo waxay abuuraysaa xasilooni-darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland)&#8230;&#8221; ayuu ku andacooday Safiir Kulane, waxaanu intaa sii raaciyey &#8220;Somaliland waxay Soomaaliya inteeda kale ka abuurtaa xasilooni-darro..&#8221;<\/p>\n<p>Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo la waydiiyey waxay xidhiidh ula samayn waayeen Somaliland, ayaa ku jawaabay in arrintaasi keeni karto amni-darro &#8220;Taasina, run ahaantii waxa ay meesha ka saaraysaa wixii ay dunidu ka shaqaynaysay ee ku wajahan horumarinta nabadgalyada deegaankaas.&#8221;ayuu ku andacooday Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Cali Kulane.<\/p>\n<p>Dawladda Soomaaliya ayaa diiddan Madax-banaanida Somaliland, waxayna inta badan ku dooddaa in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, sidaasi darteedna ay ka soo horjeeddo xidhiidh ay la yeelato Taiwan iyo Dawladaha kale ee Caalamka.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay xidhiidh la leedahay Shiinaha oo isaguna Diiddan Madax-banaanida Taiwan oo hore uga go&#8217;day.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2><strong>Arabsiyo News\/Hargeisa Office<\/strong><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220227_193349_378.sdocx--><\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Dawladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane, ayaa sheegay inay Dawlad ahaan Cambaaraynayaa sida wanaagsan ee Taiwan ula Macaamilayso Somaliland, taa beddelkeedana ay ilaalinayaan waxa uu ugu yeedhay &#8216;Midnimada dhuleed ee Soomaaliya&#8217;. &#8220;Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland..&#8221; ayuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66796,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-66795","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/2022227637815202015040724.jpg?fit=586%2C326&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hnl","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66795","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66795"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66795\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66797,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66795\/revisions\/66797"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66796"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66795"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66795"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66795"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}