{"id":66785,"date":"2022-02-27T11:12:49","date_gmt":"2022-02-27T11:12:49","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66785"},"modified":"2022-02-27T11:12:49","modified_gmt":"2022-02-27T11:12:49","slug":"madaxweyne-biixi-oo-dardaarankii-ugu-dambeeyey-siiyey-safiirada-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/02\/27\/madaxweyne-biixi-oo-dardaarankii-ugu-dambeeyey-siiyey-safiirada-qaranka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Biixi Oo Dardaarankii Ugu Dambeeyey Siiyey Safiirada Qaranka"},"content":{"rendered":"<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa(Arabsiyonews):=Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 27\/02\/2022 qasriga madaxtooyada, kulan kula qaatay labaatan (20) safiir oo ka mid ah safiirada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka dibeda oo maalmihii u danbeeyey uu tababar uga socday magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Kulankan oo ujeedadiisu ahayd xog-waran guud oo la xidhiidha hawlaha qaran ee ay ugu magacaaban yihiin, sidii loo dardar-gelin lahaa korna loogu qaadi lahaa arrimaha qarannimada Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha warbixin guud ka siiyey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud oo ay wehelinayaan wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaanu madaxweynaha Qaranka Somaliland safiirada kula dardaarmay inay xoojiyaan dedaalka iyo shaqada ay qaranka u hayaan, dareensanaadaana inay wakiilo u yihiin shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay magacooda xambaarsan yihiin kuna metelaan dalalka ay joogaan, ogsoonaadaana in la joogo wakhtigii qarankani caalamka ka heli lahaa waxa ay ka mudan yihiin oo ah ictiraaf buuxa, tahayna in ay ka shaqeeyaan dedaalkaasi, iyagoo garab iyo gashaanba ka helaya dawladda iyo shacbiga Somaliland ee dibeda iyo gudahaba.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ku bogaadiyey dedaalka ay gelisay in kulamo noocan oo kale ahi u qabsoomaan wakiiladda Somaliland ee dalalka dibeda, iyo khabiiradii siiyay tababarka la xidhiidha shaqooyinka ay qaranka u hayaan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">ALLAA MAHAD LEH.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Warbaahinta Madaxtooyada JSL.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):=Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 27\/02\/2022 qasriga madaxtooyada, kulan kula qaatay labaatan (20) safiir oo ka mid ah safiirada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka dibeda oo maalmihii u danbeeyey uu tababar uga socday magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera. Kulankan oo ujeedadiisu ahayd xog-waran guud oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66787,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-66785","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/sddefault-7.jpg?fit=640%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hnb","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66785","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66785"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66785\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66788,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66785\/revisions\/66788"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66787"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66785"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66785"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66785"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}