{"id":66692,"date":"2022-02-20T16:24:55","date_gmt":"2022-02-20T16:24:55","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66692"},"modified":"2022-02-20T16:24:55","modified_gmt":"2022-02-20T16:24:55","slug":"madaxweyne-biixi-iyo-musharraxa-waddani-oo-muddo-ka-dib-is-hor-fadhiistay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/02\/20\/madaxweyne-biixi-iyo-musharraxa-waddani-oo-muddo-ka-dib-is-hor-fadhiistay\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Biixi Iyo Musharraxa WADDANI Oo Muddo Ka Dib, Is-hor-fadhiistay."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay kulan la yeeshay Musharrax Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).<\/p>\n<p>Kulankan oo gaar u ahaa Madaxweynaha iyo Musharraxa Xisbiga WADDANI, ayaan la ogayn waxay kaga wada-hadleen, balse wuxuu ku soo beegmayaa xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf salka ku haya Furista Ururrada Siyaasadda.<\/p>\n<p>Sharciga Somaliland, ayaa dhigaya in 10-kii sanaba Hal mar la furo Ururrada siyaasadda, si loo helo Xisbiyo cusub ama kuwii hore u jiray Boodhka looga tumo, balse Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, ayaa hadda diiddan in la furo Ururrada siyaasadda oo Xukuumaddu ku dhawaaqday in la furayo bisha 5-aad ee sannadkan 2022-ka, iyagoo ku doodaya in muddadii 10-ka sano ahayd ee sharcigu jideeyay inay jiraan Xisbiyadu ku eg-yihiin bisha 12-aad ee sannadkan, sidaasi darteed la qabto doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee 2022, halka Xukuumaddu ku doodayso inay doorashada Madaxtooyada geli doonaan saddexda Xisbi ee ku soo baxa doorashada Ururrada siyaasadda.<\/p>\n<p>Sidaasi darteed, Warar laga helay Kulanka dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Musharrax Cirro, ayaa tibaaxaya in is-araggoodu uu arrintaa salka ku hayo, balse lama xaqiijin karo waxay isla qaateen.<\/p>\n<p>Hoggaanka sare ee Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa bilihii u dambeeyay Madaxweynaha ku eedeynayey inuu ka shaqaynayo sidii loogu samayn lahaa Muddo-kordhin, arrintaasi oo ay khatar u arkaan Xisbiyada Mucaaradku, maaddaama oo muddadii sharcigu siiyey inay Xisbiyo ahaadaan dhamaanayo bisha December ee sannadkan 2022-ka.<\/p>\n<p>Sida ilo-wareedyo ku dhow Xisbiyada Mucaaradku hore u soo tebiyeen, UCID iyo WADDANI, ayaa ka cabsi qaba in haddii Madaxweynaha loo sameeyo muddo-kordhin ay tahay fursad uu Madaxweynuhu Ururrada ku furi karo, haddii taasi timaaddana aan la saadaalin karin mustaqbalka Xisbiyada hadda jira ee UCID iyo WADDANI.<br \/>\n<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220220_192214_830.sdocx--><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2><strong>ArabsiyoNews\/Hargeisa Office<\/strong><\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyo) &#8211; Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay kulan la yeeshay Musharrax Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulankan oo gaar u ahaa Madaxweynaha iyo Musharraxa Xisbiga WADDANI, ayaan la ogayn waxay kaga wada-hadleen, balse wuxuu ku soo beegmayaa xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf salka ku haya Furista [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66693,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-66692","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/FB_IMG_1645372777174.jpg?fit=493%2C390&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hlG","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66692","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66692"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66692\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66694,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66692\/revisions\/66694"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66693"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66692"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66692"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66692"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}