{"id":66688,"date":"2022-02-20T14:47:50","date_gmt":"2022-02-20T14:47:50","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66688"},"modified":"2022-02-20T14:47:50","modified_gmt":"2022-02-20T14:47:50","slug":"soomaaliya-taliyihii-sirdoonka-ee-loo-haystay-dilkii-ikraan-tahliil-oo-xildhibaan-noqday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/02\/20\/soomaaliya-taliyihii-sirdoonka-ee-loo-haystay-dilkii-ikraan-tahliil-oo-xildhibaan-noqday\/","title":{"rendered":"Soomaaliya: Taliyihii Sirdoonka Ee Loo Haystay Dilkii Ikraan Tahliil Oo Xildhibaan Noqday"},"content":{"rendered":"<p>Beledweyne (Arabsiyo) &#8211; Fahad Sheekh Daahir Axmed (Fahad Yaasiin) oo ah Taliyihii hore ee Hay&#8217;adda Sirdoonka Soomaaliya, ayaa ka mid noqday Xildhibaannada cusub ee Golaha Shacabka, ka dib markii uu Maanta ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop 086 ee xubinnimada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Taliyihii hore ee Hay&#8217;adda Sirdoonka Soomaaliya (NISA) Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin), ayaa doorasho ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ka helay codad dhan 70 cod.<\/p>\n<p>Musharraxa la tartamayay Fahad Yaasiin oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Axmed, ayaa\u00a0 heley 24-cod.<\/p>\n<p>Fahad Yaasiin oo ku Magacaaban La- taliyaha amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi\u00a0 Farmaajo, ayaa la sheegay in doorashadiisu guul u tahay Madaxweyne Farmaajo.<\/p>\n<p>Warbaahinta Soomaaliya, ayaa ku warramaya in Doorashada Fahad Yaasiin, ay qayb ka tahay qorshe uu ku doonayo inuu u tartamo Guddoomiye ku- xigeenka koowaad ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, maaddaama oo Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey oo xilka guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaankii hore laba jeer soo noqday laga reebay doorashada, taasina ay fursad siinayso Fahad Yaasiin inuu noqdo musharrax kaliya ee ku guulaysan kara kursigan.<\/p>\n<p>Fahad Yaasiin, ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya, xilli loo haysto dilka gabadh Alle ha u naxariistee Magaceedu ahaa Ikraan Tahliil, taasi oo dilkeedu dhacay intii uu Fahad ahaa Agaasimaha Hay&#8217;adda NISA.<\/p>\n<p>Dilka Ikraan Tahliil, ayaa sabab u noqotay in xilkii Agaasimaha NISA laga qaado Fahad Yaasiin, sidoo kalena arrintaasi khilaaf culus ka dhex abuurto Madaxweyne Farmaajo oo la safnaa Fahad iyo Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo sameeyay xil ka qaadista.<\/p>\n<p>Laakiin, doorashada Fahad Yaasiin ee Maanta, ayaa ku soo beegmaysa xilli weli lagu eedaynayo dilka Marxuumad Ikraan Tahliil oo xoghayn ka ahayd Xafiiskii NISA ee Fahad Yaasiin.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_220220_174416_523.sdocx--><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2><strong>Arabsiyo News\/Hargeisa Office<\/strong><\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Beledweyne (Arabsiyo) &#8211; Fahad Sheekh Daahir Axmed (Fahad Yaasiin) oo ah Taliyihii hore ee Hay&#8217;adda Sirdoonka Soomaaliya, ayaa ka mid noqday Xildhibaannada cusub ee Golaha Shacabka, ka dib markii uu Maanta ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop 086 ee xubinnimada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya. Taliyihii hore ee Hay&#8217;adda Sirdoonka Soomaaliya (NISA) Fahad Daahir Axmed (Fahad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66689,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-66688","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/2022220637809340106467576.jpg?fit=660%2C438&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hlC","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66688","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66688"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66688\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66690,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66688\/revisions\/66690"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66689"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66688"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66688"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66688"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}