{"id":66620,"date":"2022-02-15T22:23:30","date_gmt":"2022-02-15T22:23:30","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66620"},"modified":"2022-02-15T22:23:30","modified_gmt":"2022-02-15T22:23:30","slug":"dawladda-somaliland-oo-sheegtay-in-soomaaliya-carqaladayn-karin-safarka-madaxweyne-biixi-bisha-ee-maraykank","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/02\/15\/dawladda-somaliland-oo-sheegtay-in-soomaaliya-carqaladayn-karin-safarka-madaxweyne-biixi-bisha-ee-maraykank\/","title":{"rendered":"Dawladda Somaliland Oo Sheegtay In Soomaaliya Carqaladayn Karin Safarka Madaxweyne Biixi Bisha ee Maraykank"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: left;\">Hargeysa (Arabsiyonews) \u2013 Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay ka cabsi qabin in Dawladda Soomaaliya carqaladayso Safarka la qorsheeyay in Madaxweyne Muuse Biix Cabdi uu ku tago dalka Maraykanka.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo Shalay isaga iyo Wefti ka soo laabteen safar shaqo oo ay ugu tageen dalka Taiwan, ayaa hadal uu Saxaafadda ku siiyey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, wuxuu ku sheegay in Soomaaliya aanay hadda ka jirin Dawlad, sidaasi darteed aanay awood u lahayn inay carqaladayso Safarka Madaxweynaha Somaliland uu bisha saddexaad ee sannadkan ku tagayo Maraykanka.<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha Dibeddu wuxuu marka hore ka hadlay ahmiyadda Taiwan siinayso xidhiidhka ay la leedahay Taiwan \u201cMaalintii koowaad ayaanu Annaga oo Wasiirro ah la kulanay Madaxweynaha Taiwan, taasi ayaa muujinaysa ahmiyadda ay Taiwan siinayso xidhiidhka Somaliland, markaana waxa ku xigay Wasiirrada Taiwan, kuwaasi oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibedda oo ah nin awood badan.\u201d<\/p>\n<p>Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagayo Washington, waxaanu si gaar ah uga hadlay in Soomaaliya Carqaladayn karto safarkaasi, waxaanu yidhi \u201cDabcan, Madaxweynuhu wuxuu tagayaa Maraykanka, wax Alaale iyo wax ay yeelayaan (Soomaaliya) Safarka Madaxweynaha ma jirto, qorshahan waxa laga soo shaqaynayey xoogaa, Madaxweynaha diyaar baa loo yahay, markaa wax dhibaato ah oo aanu ka baqanayno Borobagaandaha Muqdisho ma jirto, Waayo? dal jiraba maaha (Soomaaliya)..\u201d<\/p>\n<p>Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya, xilli ay soo baxayaan Warar sheegaya in kooxo ay Soomaaliya adeegsanayso ay Maraykanka ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku carqaladaynayaan Safarka Madaxweynaha Somaliland.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) \u2013 Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay ka cabsi qabin in Dawladda Soomaaliya carqaladayso Safarka la qorsheeyay in Madaxweyne Muuse Biix Cabdi uu ku tago dalka Maraykanka. Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo Shalay isaga iyo Wefti ka soo laabteen safar shaqo oo ay ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66622,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-66620","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/maxresdefault-24.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hkw","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66620","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66620"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66620\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66621,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66620\/revisions\/66621"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66622"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66620"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66620"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66620"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}