{"id":6654,"date":"2015-02-22T12:57:54","date_gmt":"2015-02-22T12:57:54","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6654"},"modified":"2015-02-22T12:57:54","modified_gmt":"2015-02-22T12:57:54","slug":"wasaaradda-degaanka-oo-soo-bandhigtay-waxyaabihii-u-qabsoomay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/22\/wasaaradda-degaanka-oo-soo-bandhigtay-waxyaabihii-u-qabsoomay\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Degaanka Oo Soo Bandhigtay Waxyaabihii U Qabsoomay"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/Bandare.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6655\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/Bandare-288x300.jpg?resize=288%2C300\" alt=\"Bandare\" width=\"288\" height=\"300\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Wasaaradda Degaanka ayaa soo bandhigtay waxqabadkeeda muddadii wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare madaxda ka ahayd oo ku siman ilaa sideed bilood. Qoraal lagu faahfaahiyay waxqabadka Wasaaradda ayaa muujinaya Mashaariic badan oo ku saabsan dhirayn iyo Mashaariic kale oo degaanka lagu ilaalinayo kuwaasi oo ka socda meelo badan oo dalka ah<\/h2>\n<h2><strong>Waxqabadka wasaaradda Degaanka<\/strong><\/h2>\n<h2>1.\u00a0\u00a0 Wasaaradda degaanka waxaa hadda ka socda laba mashruuc oo kala ah mashruuc ay lacagtiisa \u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0bixisay sanduuqa horumarinta Somaliland (<strong>SDF<\/strong>) wuxuu fulin-doonaa mashaariicda hoos ku qoran:-<\/h2>\n<h2>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Saylac, waxaa loo dhisayaa xafiis cusub\u00a0 waana loo qalabaynayaa<\/h2>\n<h2>2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Boorame waxaa loo dhisayaa xafiis cusub waana loo qalabaynayaa<\/h2>\n<h2>3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Buurta libaaxley waa la dhiraynayaa, xarun dhir kobcineed na waa loo samaynayaa<\/h2>\n<h2>4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Hargeisa waxaa loo dhisayaa xafiiska isuduwaha gobolka<\/h2>\n<h2>5.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Hargeysa waxaa loo dayac tirayaa xarunta dhir kobcinta<\/h2>\n<h2>6.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Geed-deeble waxaa lugu samaynayaa dhirayn<\/h2>\n<h2>7.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Banka lafaruug waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn<\/h2>\n<h2>8.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Lafaruug riverine forest plantation, waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn<\/h2>\n<h2>9.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Debis waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn<\/h2>\n<h2>10.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Gacan-libaax waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn<\/h2>\n<h2>11.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Bookh waxaa lugu samaynayaa dib u dhirayn<\/h2>\n<h2>12.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Tuuyo waxaa lugu samaynayaa dib udhirayn<\/h2>\n<h2>13.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Aroori waxaa lugu samaynayaa daad celin iyo dib u dhirayn<\/h2>\n<h2>14.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Berbera waxaa loo dhisayaa\u00a0 xafiis isuduwaha wasaaradda<\/h2>\n<h2>15.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Berbera waxaa loo dhisayaa xarunta dhir kobcinta<\/h2>\n<h2>16.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Sheekh waxaa loo dhisayaa xafiiska maamulaha degmadda ee wasaaradda degaanka<\/h2>\n<h2>17.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Burco waxaa loo dayac tirayaa xafiiska isuduwaha wasaaradda<\/h2>\n<h2>18.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Burco waxaa loo dayactirayaa xarunta dhir kobcinta<\/h2>\n<h2>19.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Laas-canood waxaa loo dhisayaa xafiiska isuduwaha wasaaradda degaanka<\/h2>\n<h2>20.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Cerigaabo waxaa loo dhisayaa xafiiska isuduwaha wasaaradda<\/h2>\n<h2>21.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Buurta Daallo waxaa lugu samanayaa dhirayn<\/h2>\n<h2><\/h2>\n<h2>Mashaariicdan kor ku xusan doorka ay Wasaaraddu ku leedahay waa:-<\/h2>\n<h2><\/h2>\n<h2>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In ay diyaariso qoraalka dalabka mashaariicda (project proposal).<\/h2>\n<h2>2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In ay dabo-gal ku sameyso mashaariicdee ay codsatay sidii ay u fuleen.<\/h2>\n<h2>Dawladaha lacagta mashaaraacdaas bixiyay waxay u wakiisheen Hay\u2019adda la yidhaahdo Mack Mack Donald oo ah Hay\u2019ad Ingiriis ah.<\/h2>\n<h2>Qandaraasyadda mashaariicdaas lagu bixinaayo waxaa ay Wasaaraddani ka tahay xubin qiimaynta qandaraasyadda iyadoo ay waheliyaan khuburo ka socota hay\u2019adaha deeqda bixiyay iyo Mack Mack Donald.<\/h2>\n<h2>Marna Wasaaradda looma ogola Madaxdeeda iyo cidkastaba in ay ku yeeshaan galangal bixinta qadaraasyadda iyo cidda la siinaayo. Waxaana lagu qiimeeyaa waayo aragnimadooda ay u leeyihiin hawsha markaas la qadaraasaayo, waayo aragnimadooda shaqo iyo aqoonta farsamo ee ay leediyiin qandaraaslayaasha.<\/h2>\n<h2><strong>2.Mashruuca ILO.<\/strong><\/h2>\n<h2>Wasaaradu waxay wadaa mashruuc\u00a0 ku saabsan siddii maamulka khayraadka dabiiciga ah loo daadajin lahaa si maamuladda degmooyinka iyo kuwa tuuloyin kuba uga qab galaan, mashruucaasi waxaa laga fulinayaa magaalooyinka ,Gabiley iyo Burco.<\/h2>\n<h2><strong>3.Mashruuca World Bank.<\/strong><\/h2>\n<h2>Wasaaraddu waxay waddaa qoraalka mashruuc lafilayo inuu Baanka Aduunku lacag tiisa bixiyo, waxaa mashruucaa wada fulinaya afar wasaaradood oo kala ah Degaanka, Biyaha, Xoolaha, iyo Beeraha, waxaa shir balaadhan oo ay hogaaminayaan madaxda farsamadda ee Wasaaradaha\u00a0 laga yeeshaay siddii loo dooran lahaa\u00a0 sadex goobaad oo mashruucan tijaabadda ahi ka shaqeeyo, dood dheer kadib waxaa la magacaabay Horaaadley iyo Debis, iyaddoo wasaaradda biyaha masuul ka socday na uu magaaladda Oodwayne ku adkaystay maadama ay tahay magaallo haraadan isla markaana dooxa Oodwayne ay ka cabaan xoola dhaqato badani.<\/h2>\n<h2><strong>4.Mashruuca UNDP<\/strong><\/h2>\n<h2>Mashruuca ay UNDP maalgelin-doonto, waxaa loo qorsheeyay in laga fuliyo goobahan soo socda:-<\/h2>\n<h2>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qoryaale (Togdheer)<\/h2>\n<h2>2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dulcad ( Burco)<\/h2>\n<h2>3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Qoryaale (Maroodi-jeex)<\/h2>\n<h2>4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dila ( Awdal)<\/h2>\n<h2>5.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dhamal (Maroodi-jeex)<\/h2>\n<h2>6.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Wagar ( Saaxil)<\/h2>\n<h2>7.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Warcimraan ( Togdheer)<\/h2>\n<h2>8.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Bali-dhiig ( Togdheer)<\/h2>\n<h2>5.\u00a0\u00a0 German Government ( GIZ &amp; KFW)<\/h2>\n<h2>Mashruucan waxaa wadajir u fulin-doona Wasaaaradda Deegaanka &amp; Horumarinta Reer-miyiga, Wasaaradda Beeraha, Wakaaladda Biyaha Hargeysa.<\/h2>\n<h2>\u00a0<strong>6. Gums and resin ( Xabkaha &amp; Faleenka)<\/strong><\/h2>\n<h2>Mashruucan oo laga fuliyay Goboladda Sanaag iyo Saaxil, qaybtiisii labaad oo iyana la filaayo in la sii daayo, iyadoo ay naga caawinayaan World Bank, mashruucan oo lagu horumarinaayo xabkaha iyo faleenka.<\/h2>\n<h2>\u00a0<strong>7. Shuruucda iyo Xeerarka<\/strong><\/h2>\n<h2>Wasiirka wasaaraddu waxay halgan dheer ugashay in wasaaraddu hesho xeerar wakhtigan la socda oo dhiiri galiya ilaalinta degaanka, si looga baxo qabyo sharciyeedkii wasaaradda ragaadiyay, taas oo hadda gacanta lugu hayo sadex xeer oo kala ah\u201d<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Forest, Range and wildlife act ( sharciga kaymaha iyo ugaadha)<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 National Environmental Management Act ( sharciga guud ee maaraynta deegaanka)<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Solid waste management Act ( Sharciga maaraynta qashinka adag).<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Strategic plan ( qorshe hawleedka shanta sanno ee soo socda)<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Environment policy ( sharciga siyaasadda deegaanka).<\/h2>\n<h2><\/h2>\n<h2>8.\u00a0<strong>Mashaariicda ay Dawladda Somaliland iyo shicibkeedu fuliyeen<\/strong><\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Wuxuu Madaxweynaha J.S.L Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud (siiraanyo) soo saaray wareegto ku saabsan seerayaasha iyo dhul-daaqsimeedka layska ootay.<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waxaa la joojiyay ka ganacsiga sharcidaradda ah ee Ugaadha dalka, iyadoo hawlgalo laga fuliyay dhamaan Goboladda iyo Degmooyinka dalka, dad badan oo ku luglahaana lasoo qabqabtay sharcigana lala tiigsaday.<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waxaa olole balaadhan oo lagu baabiinaayo seerayaasha sida sharci daradda loo ootay laga fuliyay bananka Gumburaha iyo Qoolcaday, iyadoo la baabiiyay xidhmooyin dhan (323) saddex boqol iyo saddex iyo labaatan, kuwaas oo ahaa kuwii soo dhexgalay banankaas.<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waxaa si dhamaystiran loo dhisay xarun cusub oo ay yeelan-doono Wasaaraddani, taasoo ay lacagteeda lagu hirgeliyay dhismahaasi ay bixisay dhamaanteed Dawladda Somaliland.<\/h2>\n<h2>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Waxa la dhisay oo dhamaystirmay xarunta xafiiska Gobolka Gabiley, xaruntaas oo lacagtii lagu dhisay ay bixisay Dawladda Somaliland.<\/h2>\n<h2>\u00a0Wasiirka Wasaaraddu, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud ( Bandare) waxay mahadnaq wayn u diraysaa dhamaan dadkii kala shaqeeyay hirgelinta iyo diyaarinta dhamaan mashariicda aynu kor kusoo xusnay<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Degaanka ayaa soo bandhigtay waxqabadkeeda muddadii wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare madaxda ka ahayd oo ku siman ilaa sideed bilood. Qoraal lagu faahfaahiyay waxqabadka Wasaaradda ayaa muujinaya Mashaariic badan oo ku saabsan dhirayn iyo Mashaariic kale oo degaanka lagu ilaalinayo kuwaasi oo ka socda meelo badan oo dalka ah Waxqabadka wasaaradda Degaanka 1.\u00a0\u00a0 Wasaaradda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6655,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6654","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Jk","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6654","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6654"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6654\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6654"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6654"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6654"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}