{"id":664,"date":"2014-12-02T15:21:38","date_gmt":"2014-12-02T15:21:38","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=664"},"modified":"2014-12-02T15:21:38","modified_gmt":"2014-12-02T15:21:38","slug":"madaxweynaha-kenya-oo-xilkii-ka-qaadey-wasiirka-arrimaha-gudaha-iyo-taliyaha-booliska-kenya-oo-is-casiley","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/02\/madaxweynaha-kenya-oo-xilkii-ka-qaadey-wasiirka-arrimaha-gudaha-iyo-taliyaha-booliska-kenya-oo-is-casiley\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Kenya oo xilkii ka qaadey wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliska Kenya oo is casiley"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dalka Kenya Uhura Kenyata wuxuu xilka ka qaaday wasiirka Arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Ole Lenku isagoo xilkaa u magacaabay Gen. Joseph Nkaisery ka dib markii ay xoogeystay eedeynta iyo cambaaraynta loo jeedinayey\u00a0Joseph Ole Lenku iyo waxka qabad la\u2019aanta Amniga xuduudaha Kenya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sidoo kale madaxweyne Kenyata wuxuu warqada iscasilaada ka aqbalay Taliyaha booliska Kenya David Kimaiyo oo muddo xilkaan soo hayey oo isna bilihii u dambeeyey lagu eedeynayey in uu wax ka qaban waayey amni darida dalka Kenya ka jirta sidaasna u gartay in uu xilka iska casilo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweyne Uhuru Kenyata oo maanta khudbad ka jeediyey TV dalka Kenya ayaa ku xaqiijiyey go\u2019aamadan uu gaaray isagoo sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo labadii todobaad dilal ka geysatay gobolka Waqooyi Bari Kenya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Uhuru Kenyata wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga adkaado maleeshiyaadka Al-shabaab e dhuumaalaysiga ku yimaada gudaha Kenya isagoo sheegay in sidoo kale Kenya Xoojinayso dagaalkeeda ka dhanka Kooxda Al-shabaab.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ururka Al-shabaab ayaa bilowgii todobaadkii hore duleedka Mandhera ku diley 28 ruux oo ay kala degeen Bus u socday magaalada Nairobi, waxaana sidoo kale ay maanta oo talaado ah ku duleen goob laga qodo dhagaxa 36 Kenyan ah<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Nayrobi office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dalka Kenya Uhura Kenyata wuxuu xilka ka qaaday wasiirka Arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Ole Lenku isagoo xilkaa u magacaabay Gen. Joseph Nkaisery ka dib markii ay xoogeystay eedeynta iyo cambaaraynta loo jeedinayey\u00a0Joseph Ole Lenku iyo waxka qabad la\u2019aanta Amniga xuduudaha Kenya. &nbsp; Sidoo kale madaxweyne Kenyata wuxuu warqada iscasilaada ka aqbalay Taliyaha booliska [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":666,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-664","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-aI","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/664","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=664"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/664\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=664"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=664"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=664"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}