{"id":66337,"date":"2022-01-27T16:09:20","date_gmt":"2022-01-27T16:09:20","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66337"},"modified":"2022-01-27T16:09:20","modified_gmt":"2022-01-27T16:09:20","slug":"kulankii-madaxweyne-geele-ee-wefdiga-somaliland-iyo-qodobadii-wada-hadalka-maanta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/01\/27\/kulankii-madaxweyne-geele-ee-wefdiga-somaliland-iyo-qodobadii-wada-hadalka-maanta\/","title":{"rendered":"Kulankii Madaxweyne Geele ee Wefdiga Somaliland iyo qodobadii wada hadalka maanta."},"content":{"rendered":"<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Jabuuti(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Khamiis ah Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Ciise Kayd Maxamuud iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Kulanka Wefdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Djibouti Md Ismaaciil oo aan qoraal rasmi ah labada xukuumadood ka soo saarin, ay xogo laga helay xaqiijinayaan inay kaga wadahadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh iyo danaha ay wadaaggan labada dhinac siidii loo sii wadi lahaa, sida dhinacyada ganacsiga iyo amniga.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Qaabilaada Md. Ismaaciil ee wefdiga Somaliland ayaa la sheegay inuu la xidhiidho sidii hindiseyaal cusub loogu kordhin kara heerka is-dhaafsiga dhaqaale ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Somaliland.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Xogaha kulanka ayaa la raaciyey in lagu soo bandhigay baahida loo qabo sidii labada dhinac ee xuduud wadaaga leh u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhanka amniga ah, taasoo lagama maarmaan u ah is dhex galka ganacsi ee guuleysta.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Ciise ayey kulanka ku wehelinayeen Wasiirka Gaashaandhiga Md. Cabdiqani Maxamuud Caateye iyo wakiilka Somaliland ee Djibouti, Cabdifataax Saciid Axmed.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Dhinaca Jabuuti, waxa kulanka goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane. Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliland, Xuseen Cumar Kawaaleye.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jabuuti(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Khamiis ah Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Ciise Kayd Maxamuud iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti. Kulanka Wefdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Djibouti Md Ismaaciil oo aan qoraal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66338,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-66337","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/272873021_265806662359777_2293534112090795006_n.jpg?fit=526%2C591&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hfX","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66337","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66337"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66337\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66340,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66337\/revisions\/66340"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66338"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66337"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66337"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66337"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}