{"id":66302,"date":"2022-01-25T21:39:57","date_gmt":"2022-01-25T21:39:57","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66302"},"modified":"2022-01-25T21:39:57","modified_gmt":"2022-01-25T21:39:57","slug":"uk-oo-kor-u-qaaday-xafiiskeeda-diblomaasi-ee-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/01\/25\/uk-oo-kor-u-qaaday-xafiiskeeda-diblomaasi-ee-hargeysa\/","title":{"rendered":"UK Oo Kor U Qaaday Xafiiskeeda Diblomaasi Ee Hargeysa"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Dawlada UK ayaa kor uqaaday xafiiskii ay ku lahayd Magaalada Hargeysa kadib Markii ay wakiilka cusub u soo magacawday Somaliland Haweenay lagu magacaabo Lizzie Walker<\/p>\n<p>In Kasta oo Dawlada UK aanay si rasmi u shaacin Xafiiska Diblomaasi ee Hargeysa isbadalka ay ku samaysay hadana waxaa sheegtay dawlada uk in wakiilkan cusub u yahay (Represensitive ) ama wakiil halkuu markuu hore ahaa matalaad ama lagu magacaabi jiray (Hargeisa Office) kaasi oo hoostagi jiray Safaarada Soomaaliya Muqdisho<\/p>\n<p>Danjire Lizzie Walker oo dhawaan dowladda UK u soo magacowday Xafiiskooda Hargeysa, ayaa waraaqda Aqoonsiga u gudbisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland,Dr Ciise Keyd maalinimadii Shalay 24 Jan 2022 waxaanay beddeli doontaa Danjire Stuart Brown oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey xilka hayay.<\/p>\n<p>Danjire Lizzie Walker, ayaa si rasmi ah ula wareegtay xilka madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa oo ah xafiis qaabilsan xidhiidhka dublaasiyeed ee u dhexeeya labada waddan iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka hirgeliso Somaliland.<\/p>\n<p>Lizzie Walker oo toddobadii sanno ee u dambeeyey ka tirsanayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska u qaabilsan, gaar ahaan waaxda Barwaaqo sooranka iyo Horumarinta, ayaa labadii sanno ee u dambeeyey hoggaaminaysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo mashaariicda horumarinta ee dalalka Badhtamaha qaaradda Afrika.<\/p>\n<p>Sidoo kale, danjire Lizzie Walker ayaa hore u soo noqotay Wakiilka Soomaliya u fadhiya Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, iyadoo magaalada Muqdisho ka shaqaynaysay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016-kii.<br \/>\ndhinaca kale Xukuumada Somaliland ayaan sheegin Isbadalkan Cusub ee Xafiiska UK kor ugu qaaday Xafiiskeeda Somaliland<\/p>\n<p>Hadaba C\/risaaq Xoosh Maxamed Oo Falanqeeya Arimaha Qaarada Afrika Kana Tirsan Xarunta Daraasaadka iyo Cilmi baadhista ee Afrika ayaanu ka waraysanay Isbadalkan Waxaanu Yidhi..<\/p>\n<p><span class=\"embed-youtube\" style=\"text-align:center; display: block;\"><iframe loading=\"lazy\" class=\"youtube-player\" width=\"696\" height=\"392\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/pnlCcw4TDe0?version=3&#038;rel=1&#038;showsearch=0&#038;showinfo=1&#038;iv_load_policy=1&#038;fs=1&#038;hl=en-US&#038;autohide=2&#038;wmode=transparent\" allowfullscreen=\"true\" style=\"border:0;\" sandbox=\"allow-scripts allow-same-origin allow-popups allow-presentation allow-popups-to-escape-sandbox\"><\/iframe><\/span><\/p>\n<p>Isbadalkan Dawlada UK kor ugu qaaday Maqaamka Xafiiska Diblomaasi ee Hargaysa ayaa ku soo beegmaya Xili Baarlamaanka Ingiriisku dood dheer ka yeesheen Aqoonsiga Somaliland Dooddaasi oo shacabka Somaliland meel kastooy joogaan u riyaaqeen qaabkay udhacday iyo fariinta ay gudbisay<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Dawlada UK ayaa kor uqaaday xafiiskii ay ku lahayd Magaalada Hargeysa kadib Markii ay wakiilka cusub u soo magacawday Somaliland Haweenay lagu magacaabo Lizzie Walker In Kasta oo Dawlada UK aanay si rasmi u shaacin Xafiiska Diblomaasi ee Hargeysa isbadalka ay ku samaysay hadana waxaa sheegtay dawlada uk in wakiilkan cusub u yahay (Represensitive ) [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66304,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-66302","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/maxresdefault-90.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hfo","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66302","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66302"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66302\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66303,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66302\/revisions\/66303"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66304"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66302"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66302"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66302"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}