{"id":66195,"date":"2022-01-20T15:26:40","date_gmt":"2022-01-20T15:26:40","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66195"},"modified":"2022-01-20T15:26:40","modified_gmt":"2022-01-20T15:26:40","slug":"nuxurka-goaamo-ka-soo-baxay-fadhigii-golaha-wasiirradda-jamhuuriyadda-somaliland-ee-maanta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/01\/20\/nuxurka-goaamo-ka-soo-baxay-fadhigii-golaha-wasiirradda-jamhuuriyadda-somaliland-ee-maanta\/","title":{"rendered":"Nuxurka Go\u2019aamo ka Soo Baxay Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Maanta"},"content":{"rendered":"<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa-20-01-2022-(Arabsiyonews)-Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominaayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha wasiirrada ay fadhigoodii maanta kasoo saareen go\u2019aammo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ka yeesheen madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Fadhiga golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo laga soo saaray go\u2019aamo lagu bogaadinayo dooddii xaqiiqda ku fadhiday ee Baarlamaanka UK ka yeesheen qaddiyadda Somaliland, ayaa waxa halkaas ka akhriyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana uu goluhu go\u2019aamiyey,<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\uf0d8 Goluhu wuxuu mahad-naq u diray Baarlamaanka Dalka UK, isaga oo uga mahad-celinaya dooddii ku saabsanayd qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.<\/div>\n<div dir=\"auto\">\u201cQaranka Somaliland waxa uu u mahadnaqayaa Barlamaanka Dalka UK, isaga oo ugaga mahadcelinaya dooddii ku saabsanayd qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ku qabteen gurigooda Barlamaanka ee ajandaha Barlamaanka ku jirtey, si waafi ah oo run ah oo xaqiiqo ahna ay uga warrameen, dadka UK-na ay u muujiyeen.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\uf0d8 Goluhu waxa uu si gaar ah ugu mahad-naqayaa Xildhibaanadii sida weyn u taageeray in Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado oo uu ugu horreeyo xildhibaan Gavin williamson.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cWaxaannu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa xildhibaannadii sida weyn u taageeray qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland, soona jeediyey inay waajib ku tahay caalamka in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa xildhibaannadii golaha keenay doodda Somaliland iyo xildhibaankii hoggaaminayey, Mudane Gavin Williamson\u201d<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\uf0d8 Goluhu waxa uu mahad-naq u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka UK oo mar kasta kaalin muhiim ah ka qaata dar-dargelinta qadiyadda Somaliland.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cSomaliland, qaran ahaan waxay u mahadnaqaysaa dhammaanba jaaliyadaha reer Somaliland, gaar ahaan jaaliyadda reer UK oo si gaar ah arrintan xil isaga saaray, dedaal dheeraad ahna muujiyey.\u201d<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\uf0d8 Goluhu waxa uu baaq u diray dhammaan Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan caalamka intiisa kale iyo muwaadiniinta Somaliland ee dalka joogtaba in ay difaacaan qaddiyadda Somaliland iyo hawlaha ictiraaf raadinta ee socda, kuna difaacaan Af iyo qalinba.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cQaran ahaan waxannu u mahadnaqaynaa cid kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland u geysatay taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid aqooneedba, dawladda Somaliland iyo shacabkeeduna waxay ka midaysan yihiin inay wax kasta u huraan madax bannaanida iyo helidda aqoonsiga qarankooda, waddo kasta oo ay u marayaan iyo culays kasta oo ay ku kacayso\u201d<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\uf0d8 Goluhu wuxuu shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa inay u guntadaan sidii looga midho dhalin lahaa qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cDhammaanba shacabka reer Somaliland ee dalka jooga ee sida weyn dareenkooda ula qaybsaday dooddii ka socotay Baarlamaanka UK iyo jaaliyaddii reer UK ee hawshaas qaybta ka ahaa iyo dhammaanba ciddii ka qayb qaadatay hawshaas waanu uga mahadcelinaynaa, wuxuununa shacabka Somaliland ku boorrinayaa inuu u guntado hawl kasta iyo culays kasta oo ay ku qaadanayso inay u midoobaan oo ay u guntadaan qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.\u201d<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\uf0d8 Goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka dibaddiisa inay samayeen hal Milyan oo saxeex (Petition) oo ay dunida kaga dalbanayaan xaqooda helitaanka ictiraaf caalami ah oo ay adduunka ka helaan,<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\uf0d8 Goluhu waxa uu digniin culus u diray dawladda Muqdisho ee caadaysatay farogelinta qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cGoluhu wuxuu uga digayaa dawladda Muqdisho oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay, waxa aanu u sheegaynaa dawladda Muqdisho ee hawshaas ka talinaya in waxaasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beeraysaan Soomaalida gudaheeda, Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar\u201d.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Dhinaca kale golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu warbiximo ka dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, waxa kale oo golaha uga warbixiyey xaaladda Abaareed ee Dalka Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ugu danbayntiina golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood dheer ka dib cod gacan taaga ku ku ansixiyeen Qabyo Qoraalka Xeerka Qaxoontiga iyo Magangelyo doonka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo wada diyaariyeen xafiiska garyaqaanka guud iyo hay\u2019adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland xeerkaasi oo ujeedadiisu ahayd in la helo nidaam lagu maamulo dadka qaxootiga ah, iyo in la dejiyo hannaanka lagu ogolaanayo dadka qaxootiga ah ee dalkeena soo gala.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Sidoo kale Goluhu waxa uu ansixiyey Siyaasada Qaran ee Maamulka Dhulka oo ay soo wada diyaariyeen Xafiiska Garyaqaanka guud, Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ujeeddada laga lahaa siyaasadaasina waxay ahayd in la helo hannaan si hufan loogu maamulo dhulka, looguna kala xadeeyo dhul daaqsimeedka iyo dhulka beeraha ah, sidoo kalana lagu habeeyo maamulka iyo qorshaynta dhulka magaalooyinka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">ALLAA MAHAD LEH<\/div>\n<div dir=\"auto\">Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL,<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-20-01-2022-(Arabsiyonews)-Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominaayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha wasiirrada ay fadhigoodii maanta kasoo saareen go\u2019aammo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ka yeesheen madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66196,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-66195","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/272021275_484510619701847_5561668536366354241_n.jpg?fit=1680%2C870&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hdF","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66195","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66195"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66195\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66197,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66195\/revisions\/66197"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66196"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66195"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66195"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66195"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}