{"id":6618,"date":"2015-02-22T11:54:53","date_gmt":"2015-02-22T11:54:53","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6618"},"modified":"2015-02-22T11:54:53","modified_gmt":"2015-02-22T11:54:53","slug":"barlamaanka-somaliland-waxa-uu-ansixiyey-inay-somaliland-iyo-somaliya-ay-wada-hadlaan-laakiin-markii-dambe-ayey-xukuumaddii-isku-gooniyeysay-wada-xldhibaan-cali-ibraahim-aareeye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/22\/barlamaanka-somaliland-waxa-uu-ansixiyey-inay-somaliland-iyo-somaliya-ay-wada-hadlaan-laakiin-markii-dambe-ayey-xukuumaddii-isku-gooniyeysay-wada-xldhibaan-cali-ibraahim-aareeye\/","title":{"rendered":"Barlamaanka Somaliland waxa uu ansixiyey inay Somaliland iyo Somaliya ay wada hadlaan, laakiin markii dambe ayey Xukuumaddii isku gooniyeysay wada  Xldhibaan Cali Ibraahim Aareeye"},"content":{"rendered":"<div class=\"main\"><\/div>\n<div class=\"main\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/dawladu-waa-inay-shacabka-dhagaysataa.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6620\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/dawladu-waa-inay-shacabka-dhagaysataa-282x300.png?resize=282%2C300\" alt=\"dawladu-waa-inay-shacabka-dhagaysataa\" width=\"282\" height=\"300\" \/><\/a><\/div>\n<div class=\"main\"><strong>\u0093Barlamaanka Somaliland waxa uu ansixiyey inay Somaliland iyo Somaliya ay wada hadlaan, laakiin markii dambe ayey Xukuumaddii isku gooniyeysay wada<\/strong><strong>Xldhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Beelaha dega darafyada Somaliland aanay helin Saamigii ay ku lahayn Xukuumadda, isaga oo si gaar ah u tilmaamay Beesha uu ka soo jeedo, waxaanu ku baaqay in Beel walba ay hesho wixii ay xaq u leedahay.<\/strong><\/p>\n<p><strong><br \/>\nXildhibaan Cali Ibraahim Aareeye oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sheegay in Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye dadku ku hungoobeen, imikana la taageersanyahay xisbiyada mucaaradka.\u00a0 \u201cWaxa aanu iibinaynay waa Nabadgelyada iyo Dimuqraadiyada, haddii taas la waayaana waa mid subxaanla, in Doorashada la galaa wakhtigii la qabtay ayey labada Xisbi Mucaarad isku<\/strong><\/p>\n<p><strong><span id=\"MainContent_lblArticle2\"><span id=\"spnCOntent\">raaceen, waxaana faa\u2019iido badan in Doorasho la qabto, oo Ninkii ILLAAHAY nasiibkiisa siiyaana uu soo baxo\u201d.<\/span><\/span><\/strong><strong>XIldhiban Aareeye mar uu ka hadlaayey saamiga ay ku leeyihiin Beelaha Gobolada Darafyada Somaliland dega ayaa yidhi \u201cDadka Somaliland dega waa Dad wada walaalo ah, Beesha dhexe halgankii shariifka SNM qeyb libaax leh ayey ka soo qaadatay, laakiin Beelaha darafyada waxa ay u qalma ha yaraadan ama ha badnaadan in la siiyo weeye, laakiin sidii Libaax haddii la yidhaahdo aniga ayaa leh, maaha wax fiican, imika Beesha Ciise waa Beesha ugu liidata , ma leh Agaasime Guud, ma leh Agaasime Waaxeed, Hay\u2019addaha Madax banaan qof kuma laha,\u00a0 wax alaale waxa ay hayaan ma jirtee Somaliland ayey iska dugsanayaan, markaas kuwa kale ee Hartiga iyo Samaroona laftoodu wax badan nama dhammaan, wax Kow,. Laba iyo Saddex la yidhaa macno badan ma leh, Somaliland waxa ay ku galaysa Ninka badana in waxa badan qaato, Ninka kalena waxa uu xaq u leeyahay la siiyo, aqlabiyaduna wax xukunto, dadka kalena ay xuquuqdoodii helaan, Ninka ka yimid Saylac, ama Badhan ama Laasqoray, qof ku soo gabanaya ma jirto, markaas Somaliland sidan ha loo dhamo, oo Xukuumaddan imika jirta inay wax walba ay iyadu qaadato waa ku ceeb, waana ku karaamo daro, Ragga waxa ka dhexeeya waa Hunguriga,Karamaynta iyo Masabka uu hayo, balse haddii aanad waxba ka haynin waa dhib\u201d.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Xildhibaan Aareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi \u201cDoorasho marka ay dhacayso Salaadiintu waxa ay leeyihiin Sharaftooda\u00a0 iyo Maamuskooda, taloodana waa ay leeyihiin, balse\u00a0 Doorasho waxa ka hadli kara Axsaabta, tartamaysa, Salaadintuna\u00a0 fikirkooda wey soo jeedin karaan, mana odhanayo ma soo jeedin karaan, waa Dimuqraadiyad, Dadku waxa ay horumar ku gaadhan waa Doorashooyinka badan, oo Shalayba Kulmiye aad ayaa loogu heesayey, oo marka uu wax wadi waayey, waa kuwaa dadkii ka bedelaya ee Mucaaradka loo Sacabo dumanayo\u201d.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi\u201cBarlamaanka Somaliland waxa uu ansixiyey inay Somaliland iyo Somaliya ay wada hadlaan, laakiin markii dambe ayey Xukuumaddii isku gooniyeysay wada hadaladaas, shaki weyn ayaa dhacay, oo nin walba haddii aanu masiirkiisi joogin waa\u00a0 mid subaxaanala, qadiyada Somaliland wax afar iyo laba qof tagaan maaha, markaas anigu waxa aan qaba inuu fashilmay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya\u201d.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlaayey Tabashada Odayaasha Reer Awdal ee ilaa hadda aanu Madaxweynuhu ka jawaabin ayaa yidhi \u201cDadku marka ay Dawladooda ka hadlaan Gobol ama Dad ha ka cawdaane, waa inay Dawladdu dhegaysataa, laakiin Dawlada in Dhegaha dhukay kaga jiro mooye, ma dhegaysanayso dadkii, Dadka waa la qancin karaa oo Madaxweynuhu inta uu u yeedho Odayaasha oo uu Madaxtooyada ugu yeedho, oo uu la fadhiisto, ayuu qancin karaa, laakiin haddii la yidhaahdo Odayaashu wadhooda, maxa inaga galay, ma wacna\u201d.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Xidhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlaayey Suldaan Wabar ayaa yidhi \u201cSuldaan Wabar haddii uu yahay Suldaan ka tirsan Gobolka Awdal waxa qurux badan inuu Nabad wax ku doono, waayo waa laga gudbay waagii qorigii la qaadan jiray, ee Buuraha loo geli jiray, dadkana la urursan jiray, oo waxa laga jooga 24-sano, Suldaan waxa lagu yaqaana inuu Sama-wado noqdo, oo uu Nabada ka taliyo, markaas inuu dadkiisa ku dhex jiro oo uu la mid noqdo Suldaan Wabar ayaan ku talin lahaa\u201d.<\/strong><\/p>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u0093Barlamaanka Somaliland waxa uu ansixiyey inay Somaliland iyo Somaliya ay wada hadlaan, laakiin markii dambe ayey Xukuumaddii isku gooniyeysay wadaXldhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Beelaha dega darafyada Somaliland aanay helin Saamigii ay ku lahayn Xukuumadda, isaga oo si gaar ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6620,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6618","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1IK","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6618","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6618"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6618\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6618"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6618"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6618"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}