{"id":66145,"date":"2022-01-17T14:13:52","date_gmt":"2022-01-17T14:13:52","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66145"},"modified":"2022-01-17T14:13:52","modified_gmt":"2022-01-17T14:13:52","slug":"kulmiye-oo-caddeeyay-mawqif-kiisa-ku-aadan-goaanka-maxkamada-sare-ee-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/01\/17\/kulmiye-oo-caddeeyay-mawqif-kiisa-ku-aadan-goaanka-maxkamada-sare-ee-somaliland\/","title":{"rendered":"KULMIYE oo caddeeyay mawqif kiisa ku aadan go&#8217;aanka Maxkamada Sare ee Somaliland"},"content":{"rendered":"<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa(Arabsiyonews) &#8211; Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE, uu si buuxda u aqbalay go&#8217;aanka Maxkamada Sare ee Somaliland, kasoo saartay xeerka furista ururrada siyaasada ee muranka dhaliyay.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wasiir Kaahin oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in ay markii horena kalsooni ku qabeen maxkamada imikana ay si buuxda u aqbalayaan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaanu yidhi.&#8221;Maxamadu qaraarka ay soo saartay xisbiga KULMIYE, wuu taageerayaa, marka horena kalsooni ayuu kaga dhur sugayay, sidaa darteed wuu ku qasban yahay in uu teegeero waa hay&#8217;addi qaanuuniga ahayd ee dalka, haddii aanu diidno sharciga Qaranka dibada ayaanu ka ahaa nayna&#8221;<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wasiirka oo la waydiiyay haddii xukunka maxkamadu ka farxiyay xisbigiisa iyo haddii go&#8217;aanka maxkamadu uu ka horyimiid rabitaanka xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in go&#8217;aanka maxkamadu aanu la xidhiidhin rabitaan cid gaar ah.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaanu yidhi.&#8221;Ninkii ina sanwayne la odhan jiray ayaa waxaa laga xigtay, gari walaal ma taqaano, sida darteed maxkamadda waxa loo dhiibo wixii aad adigu doonaysay iyo wixii aad diidaysay midna kuma xidhnee, waxay ku xidhantahay qaraarka maxkamadda&#8221;<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxa uu sheegay in doorasho walba wakhtigeeda ku qabsoomayso, oo ay diyaar u yihiin in doorashada madaxyooyaduna wakhtigeeda ku dhacdo.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews) &#8211; Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE, uu si buuxda u aqbalay go&#8217;aanka Maxkamada Sare ee Somaliland, kasoo saartay xeerka furista ururrada siyaasada ee muranka dhaliyay. Wasiir Kaahin oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in ay markii horena kalsooni ku qabeen maxkamada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66146,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-66145","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/271958421_259273903013053_3850290735927164447_n.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hcR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66145","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66145"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66145\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66148,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66145\/revisions\/66148"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66146"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66145"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66145"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66145"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}