{"id":66118,"date":"2022-01-16T12:52:54","date_gmt":"2022-01-16T12:52:54","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=66118"},"modified":"2022-01-16T12:52:54","modified_gmt":"2022-01-16T12:52:54","slug":"maxay-xukuntay-maxkamaddu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/01\/16\/maxay-xukuntay-maxkamaddu\/","title":{"rendered":"Maxay Xukuntay Maxkamaddu ?"},"content":{"rendered":"<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta 16 January 2022 soo saartay natiijada dacwaddii muddada laga dhowrayey ee la xidhiidhay xukunka dhaqangalnimada waxkabeddelka iyo kaabista xeer 14\/2021. Kaas oo baarlamaanka khilaaf weyn ka dhex abuuray, xukuumadda iyo mucaaradkuna isku maandhaafeen.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Qaraarka ay maxkamaddu soo saartay nuxurkiisu waa:<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">1. In aanay aqbalin dacwaddii xildhibaannada wakiilladu u gudbiyeen ee la xidhiidhay, dhaqangalnimada waxkabeddelkii tirsigiisu noqon lahaa xeer. 14\/2021. Taas beddelkeeda waxa ay maxkamaddu qaraarkeeda ku salaysay oo ay qaadatay dacwaddii ay 2 January 2022 u gudbiyeen muwaadiniintii xisbi furista u ololaynayey ee dacwadda u geeyey maxkamadda.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">2. Qodobka labaad waxa ay ku caddaysay in xeerkii khilaafka dhaliyey ee 14\/2021 aanu dhaqangal ahayn sidii xukuumadda iyo xildhibaannada dacwooday qabeen. Waxa aanay caddaysay in xeerka dhaqangalka ahi yahay xeer lr. 14\/2011 oo la sameeyey xilligii madaxweyne Siilaanyo markii loo diyaargaroobayey doorashooyinkii 2012 ee ururrada iyo dawladaha hoose.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">3. Maxkamaddu waxa ay laashay \u2018doorashada kala saarista ururrada iyo xisbiyada siyaasadda oo dabcan sannad wax ka yari u hadheen xisbiyada\u2019 in lagu dabro \u2018doorashada goleyaasha deegaanka ee ay hore u raacsanady\u2019 laakiin imika ku dhowaad shan sano u hadhsanyihiin maadaama oo gaar loo doortay may 2021.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">4. Waxa ay sheegtay in kala reebista xisbiyada iyo ururrada loo raacayo xeerkii hore ee 14\/2011, taas oo xoojin uun u ah qodobka koowaad ee caddaynaya in xeerkaasi dhaqangal yahay, oo kii dambe laga tegey.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">5. Waxa ay sheegtay in la dhammaystiro diiwaangelinta ururrada siyaasadda si waafaqsan xeer 14\/2011, kaas oo mar kale adkayn uun u ah qodobka koowaad.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Xeer 14\/2011 ayaa dhigayey in ururrada siyaasadda la furo 10 sanaba mar, laakiin diiwaangelintoodu bilaabato lix bilood ka hor doorashadooda.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">FG:<\/div>\n<div dir=\"auto\">1. Qaabka uu u ereyeysan yahay qoraalka qaraarka Maxkamadda waxaa ka muuqda diblumaasiyadayn badan, waxaana ka dhalan kara in dadka qaar aanay sidaas u wada fahmin.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">2. Waxaa qasab noqonaysa in golaha wakiillada uu dib ugu noqdo wax-ka-beddelka xeerkii 14\/2011 si ay u waafajiyaan qaraarka maxkamadda iyo isla markaana u dhigaan qaab doorashada xisbiyada loogu qaban karo, oo tusaale ahaan ay ka mid tahay in doorasho toos ah ay xisbiyadu ku soo baxaan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\">W\/Q Kamaal Marjaan<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta 16 January 2022 soo saartay natiijada dacwaddii muddada laga dhowrayey ee la xidhiidhay xukunka dhaqangalnimada waxkabeddelka iyo kaabista xeer 14\/2021. Kaas oo baarlamaanka khilaaf weyn ka dhex abuuray, xukuumadda iyo mucaaradkuna isku maandhaafeen. Qaraarka ay maxkamaddu soo saartay nuxurkiisu waa: 1. In aanay aqbalin dacwaddii xildhibaannada wakiilladu u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":66113,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10,2],"tags":[],"class_list":["post-66118","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/maxresdefault-54.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-hcq","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66118","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=66118"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66118\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":66119,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/66118\/revisions\/66119"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/66113"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=66118"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=66118"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=66118"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}