{"id":65877,"date":"2022-01-04T13:28:41","date_gmt":"2022-01-04T13:28:41","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65877"},"modified":"2022-01-04T13:31:52","modified_gmt":"2022-01-04T13:31:52","slug":"siyaasi-maxamuud-xaashi-oo-ka-hadlay-mawqifkiisa-doorashada-madaxtooyadamuranka-furista-ururada-goaanka-maxkamada-sare-laga-filaayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/01\/04\/siyaasi-maxamuud-xaashi-oo-ka-hadlay-mawqifkiisa-doorashada-madaxtooyadamuranka-furista-ururada-goaanka-maxkamada-sare-laga-filaayo\/","title":{"rendered":"Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka hadlay Mawqifkiisa Doorashada Madaxtooyada,Muranka furista Ururada &#038; Go\u2019aanka Maxkamada Sare laga filaayo"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka hadlay Mawqifkiisa Doorashada Madaxtooyada,Muranka furista Ururada &amp; Go\u2019aanka Maxkamada Sare laga filaayo<\/p>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Muranka iyo is maandhaafku, waa wax caado iyo curfi u ah siyaasadda. In aynu ku kala argati duwaanano arrimaha faraca ah ee siyaasadda, ma\u2019aha mid ugub ah, balse waa mid curad ah oo aynu u leenahay waayo-aragnimo balaadhan. Marka ay Nolosha jirto kala aragti duwanaansho, ayaa la helaa xalka iyo aragtida saxda ah. Taa micnaheedu ma\u2019aha in aan dhiiri gelinayo, in ay ummaddu is khilaafto ama kala aragti duwanaato had iyo jeer. Hore ayaan u idhi halku dhig Arrintan ka turjumaya, kaas oo u dhigan sidan (muhiim maaha in aynu wax kasta ku midoowno, balse waxaa muhiim ah in aynaan wax kasta isku khilaafin).<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Marka aan u imaado arrintan furista ururada siyaasiga ah, ee ay ku kala aragti duwanaadeen golihii wakiilada, iyo sadexdii xisbi qaran iyo xukuumadii. Marka aad dhagaysato dooda labada dhinac, waxaa hubaal ah in uu murankani salka ku hayo masalo sharci. Khilaafyada la xidhiidha arrimaha sharcigu, waa kuwo ka duwan sida loo xaliyo arrimaha kale ee la xidhiidha dhaqanka ama dhacdooyinka kale ee siyaasiga ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa garna garteed baa lagu doonaa, Mandheerna garkeed baa lagu doonaa. Sidaa darteed, khilaafyada sharci iyo muranada la xidhiidha xeerarka ka soo baxa goloyaasha, waxaa awood sharci u leh in ay ka gar naqdo ama fasirto maxkamada sare, oo ah maxkamada dastuuriga ah, sida uu dhigayo dastuurka qaranka qodobkiisa 98aad iyo 101aad. Haddaba, waxaan xal u arkaa in maxkamada loo dabo fadhiisto, ka gar niqida dacwadan lagu kala aragtida duwan yahay.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Aragtiday shaqsiga ah markaan is dul taago, ee ku aadan nuxurka khilaafkan. Aragtida ah ha la furo ururada siyaasiga ah,<\/div>\n<div dir=\"auto\">maadaama ay gaadhay toban guuradoodii, waxaan u arkaa gar. Dhinaca kale, aragtida ah waa in doorashadii madaxtooyadu ku dhacdaa xilligeedii, waxaan iyana u arkaa gar. Ugu danbayn, waxaan ku buurinayaa dhinacyada daneeyayaasha ah ee murankani u dhaxeeyo, in ay u hogaan samaan go\u2019aanka maxkamada, isla markaana ka daayaan gujada iyo ganista<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka hadlay Mawqifkiisa Doorashada Madaxtooyada,Muranka furista Ururada &amp; Go\u2019aanka Maxkamada Sare laga filaayo Muranka iyo is maandhaafku, waa wax caado iyo curfi u ah siyaasadda. In aynu ku kala argati duwaanano arrimaha faraca ah ee siyaasadda, ma\u2019aha mid ugub ah, balse waa mid curad ah oo aynu u leenahay waayo-aragnimo balaadhan. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65878,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65877","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/Wasiir-Xaashi.png?fit=500%2C320&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h8x","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65877","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65877"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65877\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65880,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65877\/revisions\/65880"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65878"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65877"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65877"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65877"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}