{"id":65827,"date":"2022-01-01T14:53:13","date_gmt":"2022-01-01T14:53:13","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65827"},"modified":"2022-01-01T20:59:53","modified_gmt":"2022-01-01T20:59:53","slug":"45-suxufi-oo-caalamka-lagu-dilay-sannadkii-la-soo-dhaafay-ee-2021","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2022\/01\/01\/45-suxufi-oo-caalamka-lagu-dilay-sannadkii-la-soo-dhaafay-ee-2021\/","title":{"rendered":"45 suxufi oo caalamka lagu dilay sannadkii la soo dhaafay ee 2021"},"content":{"rendered":"<p>Washington (Arabsiyonews) Isugeyn 45 wariye ayaa lagu dilay caalamka sannadkii la soo dhaafay ee 2021-ka, sida uu sheegay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee IFJ Jimcihii shalay, waxaana tiradani ay tahay mid nasiib wanaag ka hooseysay sannadihii ugu dambeeyay.<\/p>\n<p>\u201cIn kasta oo hoos u dhacan uu yahay war soo dhaweyn leh, haddana waa nasteexo yar marka laga hadlayo rabshadaha sii socda,\u201dAyaa lagu yidhi bayaanka hay\u2019adda IFJ ee fadhigeedu yahay magaalada Brussels.<\/p>\n<p>Dhimashada waxaa ka mid ah sagaal saxafi oo lagu dilay waddanka Afghanistan, waana tirada ugu badan ee hal waddan laga diiwaan-geliyay.<\/p>\n<p>Sidoo kale siddeed suxufi ayaa ku dhintay Mexico, afarna Hindiya, halka saddex kale lagu dilay waddanka Pakistan.<\/p>\n<p>IFJ waxay sheegtay in shaqaalaha warbaahinta \u201cInta badan loo dilo soo bandhigista musuqmaasuqa, dambiyada iyo ku takri-falka awoodaha ay leeyihiin bulshooyinkooda, magaalooyinkooda iyo waddamadu.\u201d<\/p>\n<p>Marka loo eego tirakoobka IFJ, gobolka Asia-Pacific, oo ay ku jirto Afghanistan, ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa, waxaana lagu dilay 20.<\/p>\n<p>Ameerika ayaa soo raacda oo lagu dilay 10, Afrika, siddeed, Yurubna lix, halka Bariga Dhexe iyo Carabta lagu dilay hal saxafi.<\/p>\n<p>Waxa ay sidoo kale xustay dhimashada laba weriye oo ku dhintay \u201cShil halis ahaa\u201d oo ka dhacay Iran.<\/p>\n<p>Warbixinta tirokoobyada IFJ ayaa wax yar ka duwan kuwii ay soo saartay hay\u2019adDa kale ee u doodda xuquuqda saxafiyiinta ee RSF, waxaana lagu sheegay in toddoba wariye lagu dilay Mexico, lixna Afgaanistaan, iyo afar lagu kala dilay Yemen iyo India.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Washington (Arabsiyonews) Isugeyn 45 wariye ayaa lagu dilay caalamka sannadkii la soo dhaafay ee 2021-ka, sida uu sheegay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee IFJ Jimcihii shalay, waxaana tiradani ay tahay mid nasiib wanaag ka hooseysay sannadihii ugu dambeeyay. \u201cIn kasta oo hoos u dhacan uu yahay war soo dhaweyn leh, haddana waa nasteexo yar marka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65828,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65827","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/20220101_235553.jpg?fit=467%2C262&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h7J","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65827","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65827"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65827\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65829,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65827\/revisions\/65829"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65828"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65827"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65827"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65827"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}