{"id":65769,"date":"2021-12-30T07:13:35","date_gmt":"2021-12-30T07:13:35","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65769"},"modified":"2021-12-30T07:13:35","modified_gmt":"2021-12-30T07:13:35","slug":"dadkii-isticmaalay-faceapp-oo-war-naxdin-leh-loo-sheegay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/12\/30\/dadkii-isticmaalay-faceapp-oo-war-naxdin-leh-loo-sheegay\/","title":{"rendered":"Dadkii isticmaalay FaceApp oo &#8216;war naxdin leh loo sheegay"},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\"><b>Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dib usoo cusboonaa barnaamijyada baraha bulshada ee sawirrada dadka falanqeynta ku sameeya kaddibna natiijo qiyaas ah soo saara.<\/b><\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Dad ay ka mid yihiin Soomaalida isticmaasha Facebook ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay soo bandhigayay saadaasha noocaas ah, sida waxa uu qofka nasiibkiisa noqon karo dhowr sano oo cayiman kaddib.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Hase yeeshee khubarada ayaa horay uga digay in barnaamijyada qaabkan u shaqeeya ay khatar ku noqon karaan xogta khaaska ah ee qofka, maadaama sawirradiisa iyo cinwaankiisaba uu la wadaagayo.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Markii-halis-lagu-sheegay-FaceApp\" class=\"bbc-1v2sszr e14hemmw0\" tabindex=\"-1\">Markii &#8220;halis&#8221; lagu sheegay FaceApp<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Mar sii horreysay waxaa si weyn u caan baxay barnaamij lagu magacaabo Faceapp oo saadaalinayay sida uu qofka u ekaanayo sannado kaddib.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Balse waxaa islamarkiiba soo baxay walaac laga qabay FaceApp oo ay shaaciyeen sirdoonka dalka Mareykanka dabayaaqadii 2019-kii.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-1ka88fa e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<figure class=\"bbc-1qdcvv9 e6bmn90\">\n<div class=\"bbc-172p16q e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"bbc-189y18v e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"bbc-997y1y e1whu0\" data-e2e=\"image-placeholder\">\n<div class=\"lazyload-wrapper \"><picture class=\"bbc-yfiktt e1enwo3v1\"><source srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg.webp 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg.webp 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg.webp 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg.webp 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/800\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg.webp 800w\" type=\"image\/webp\" \/><source srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/800\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg 800w\" type=\"image\/jpeg\" \/><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"eehpdyc0 bbc-rb7xa0 e1enwo3v0\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/1183\/production\/_122538440_face-app-all.jpg?resize=696%2C392&#038;ssl=1\" sizes=\"auto, (min-width: 1008px) 645px, 100vw\" alt=\"Sawirrada FaceApp\" width=\"696\" height=\"392\" \/><\/picture><\/div>\n<p class=\"bbc-1s1cxbv etq3yw90\" role=\"text\"><span class=\"bbc-1gnhmg2 e1yt7oin0\">XIGASHADA SAWIRKA,<\/span><span lang=\"en-GB\">SOCIAL MEDIA<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Hay&#8217;adda dambi baarista federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in adeegga FaceApp iyo kuwa noociisa ah ee lagu sameeyay waddanka Ruushka ay sababi karaan &#8220;khatar weyn oo dhinaca sirdoonka ah&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Hadalkan ayaa lagu sheegay warbixin loo diray Senetor u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Chuck Schumer, kaasoo horay uga dalbaday FBI-da inay baaritaan ku sameyso arrintaas.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Barnaamijkaas wajiyada dadka lagu baddalo ayaa aad loo isticmaalay horaantii sanadkan, balse wuxuu markii dambe dhaliyay walaac la xiriira dhinaca sirta shakhsiyadeed.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Warka kasoo baxay hay&#8217;adda FBI-da ayaa yimid xilli Mareykanka iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah uu ka taagnaa walwal la xiriira khatarta amni ee ka dhalan karta teknoolojiyadda ay adeegsadaan waddamada dibadda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Warqadda loo diray Mr Schumer, ayey hay&#8217;addu ku tiri; &#8220;waxay arrintan khuseysaa barnaamij kasta oo telefoon lagu soo dajisan karo ama wax kasta oo noocaas ku saabsan oo lagu farsameeyay gudaha Ruushka, sida FaceApp, waxaana laga yaabaa inay keenaan halis dhinaca sirdoonka ah&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Arrintan ayaa ka dhigan in barnaamijyadaas lagu xadi karo xogta dadka isticmaalay, sidoo kalena sawirradoodu aysan amnigooda sugneyn.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">FBI-da waxay kaloo sheegtay inay tallaabo qaadi doonto haddii ay hesho wax caddeymo ah oo muujinaya in sirdoonka waddamada qaar ay faragalin siyaasadeed sameynayaan iyagoo adeegsanaya barnaamijyada ceynkaas ah.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Mas&#8217;uuliyiinta barnaamijka caan baxay ee FaceApp ayaan wali ka jawaabin codsi aan ugu dirnay inay ka hadlaan arrintan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Barnaamijkan waxaa markii ugu horreysay daahfurtay shirkadda Wireless Lab,oo uu fadhigeedu yahay magaalada St Petersburg.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Horay waxay shirkaddaas u sheegtay inaysan keydinin sawirrada dadka isticmaala barnaamijkeeda, wax xog ahna aysan aruurinin.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Iyagoo faahfaahinayay sida uusan walaac uga iman karin adeeggooda ayey sheegeen in sawirrada ay falgaliyaan kadibna ay iska masaxaan.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka Senate-ka Mareykanka, Mr Schumer ayaa bishii July codsaday in la baaro hannaanka uu ku shaqeeyo barnaamijka FaceApp ka dib markii walaac aad u xooggan la muujiyay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Mareykanka gudihiisa ayaa hadda si weyn looga cabsi qabaa khatarta ka iman karta tiknoolijiyadda dibadda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Dhawaan, xildhibaannada ayaa ka hadlay adeegga kale ee lagu magacaabo TikTok, kaasoo ah mid muuqaallada la iskula wadaago oo laga leeyahay dalka Shiinaha.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Barnaamijkaas, oo la rumeysan yahay inay isticmaalaan qiyaastii nus bilyan ruux oo caalamka ku kala sugan ayaa caan ahaa sannadihii lasoo dhaafay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Caannimadaas ballaaran ayaa sababtay walaac ku abuurmay suuqyada waddammada reer galbeedka, maadaama adeeggaas laga leeyahay Shiinaha.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-ph03xj e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Sharcidajiyeyaasha Mareykanka, oo uu ka mid yahay Mr Schumer, ayaa bishii October dalbaday in hay&#8217;adaha sirdoonka ee waddankaas ay sameeyaan tijaabooyin la xiriira khatarta ay adeegga TikTok iyo kuwa kale ee laga leeyahay Shiinaha ku keeni karaan amniga qaranka<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<p dir=\"ltr\">Source BBC<\/p>\n<\/div>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dib usoo cusboonaa barnaamijyada baraha bulshada ee sawirrada dadka falanqeynta ku sameeya kaddibna natiijo qiyaas ah soo saara. Dad ay ka mid yihiin Soomaalida isticmaasha Facebook ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay soo bandhigayay saadaasha noocaas ah, sida waxa uu qofka nasiibkiisa noqon karo dhowr sano oo cayiman kaddib. Hase yeeshee khubarada ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65770,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65769","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/122538440_face-app-all.jpg.webp?fit=800%2C450&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h6N","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65769","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65769"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65769\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65772,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65769\/revisions\/65772"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65770"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65769"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65769"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65769"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}