{"id":65749,"date":"2021-12-29T15:21:19","date_gmt":"2021-12-29T15:21:19","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65749"},"modified":"2021-12-29T16:11:59","modified_gmt":"2021-12-29T16:11:59","slug":"somaliland-oo-sheegtay-inay-ka-hor-tagayso-isballaadhinta-shiinaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/12\/29\/somaliland-oo-sheegtay-inay-ka-hor-tagayso-isballaadhinta-shiinaha\/","title":{"rendered":"Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Hor-tagayso Isballaadhinta Shiinaha"},"content":{"rendered":"<div class=\"kvgmc6g5 cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Maraykanka u soo bandhigtay qorsheyaasheeda la xidhiidha in laga hor-tago saamaynta Shiinaha ee Afrika, maaddaama oo ay Somaliland ku taallo Goob istaraatiiji ah oo xilligan Saamayntiisa laga dareemayo.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland oo booqasho ku tagay Washington, ayaa Dawladda Maraykanka uga warramay sida ay muhiim u tahay inuu Taageero Somaliland, maaddaama oo ay leeyihiin Cadow isku mid ah, kaasi oo ah Shiinaha oo xilligan faro-gelin ku haya Dalalka Afrika ee Somaliland ka mid tahay.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganaya Safiirka Somaliland ee Magaalada Washington Bashiir Good, ayaa sheegay in Weftiga Somaliland oo la kulmay inta badan Laamaha Dawladda Maraykanku uu soo bandhigay dood macquul ah, taasi oo mudan in Maraykanku u dhego-nuaado.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cWaxanu Maraykanka u nimid in aanu tusno in aanu wada leenahay cadow kali ah &#8216;Shiinaha&#8217;, qorshahayaga guudna uu yahay in aanu ku soo dhawaano Dimuquraadiyada iyo suuqa dhaqaale ee Maraykanka&#8221; ayuu Warbaahinta Maraykanka u sheegay Safiirka Somaliland ee Maraykanka Ambassador Bashir Good<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Safiirku wuxuu sheegay in Somaliland ka shaqaynayso sidii ay door ugu yeelan lahayd dedaallada Dawladaha Dimuqraadiga ah ee Maraykanku ka mid yahay ugu jiraan in la joojiyo Saamaynta Shiinaha ee Afrika \u201cAnagu waxaanu joojinaynaa is ballaadhinta iyo saamaynta Shiinaha ee Geeska Afrika, sidaas darteed waananu istaahilaa taageerada Washington&#8221; ayuu Bashir hadalkiisi sii raaciyay&#8221;<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211; Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Maraykanka u soo bandhigtay qorsheyaasheeda la xidhiidha in laga hor-tago saamaynta Shiinaha ee Afrika, maaddaama oo ay Somaliland ku taallo Goob istaraatiiji ah oo xilligan Saamayntiisa laga dareemayo. Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland oo booqasho ku tagay Washington, ayaa Dawladda Maraykanka uga warramay sida ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65756,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-65749","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/maxresdefault-14.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h6t","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65749","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65749"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65749\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65751,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65749\/revisions\/65751"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65756"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65749"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65749"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65749"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}