{"id":65716,"date":"2021-12-28T16:19:03","date_gmt":"2021-12-28T16:19:03","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65716"},"modified":"2021-12-28T16:19:03","modified_gmt":"2021-12-28T16:19:03","slug":"maraykanka-oo-ku-qancay-ahmiyadda-somaliland-u-leedahay-danahiisa-geeska-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/12\/28\/maraykanka-oo-ku-qancay-ahmiyadda-somaliland-u-leedahay-danahiisa-geeska-afrika\/","title":{"rendered":"Maraykanka Oo Ku Qancay Ahmiyadda Somaliland U Leedahay Danahiisa Geeska Afrika"},"content":{"rendered":"<p>Washington (Arabsiyonews) &#8211; La-taliye sare oo Maraykan ah, ayaa sheegay in Wefti xaqiiqo-raadin ah oo ka socday Koongarayska Maraykanku ay ku soo qanceen ahmiyadda Somaliland u leedahay danaha Maraykanka ee Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Weftiga Koongarayska Maraykanka ka socday oo socdaal Somaliland ku yimid bishan horraanteedii, ayaa kulamo la yeeshay Madaxda Somaliland, waxayna safar ku tageen Magaalooyin ay Berbera ka mid tahay, waxayna soo kormeereen Garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Berbera.<\/p>\n<p>Weftigan oo ku laabtay Washington, ayaa waxa ka hadlay Piero Tozzi, oo ah Lataliye-sare oo Arrimaha Dibedda u qaabilsan Xildhibaan Chiris Smith oo ka mid ah aqalka Koongarayska Maraykanka, waxaanu sheegay in Weftigu ku soo qanceen waxay Somaliland ku soo arkeen ee ah inay muhiim u tahay Maraykanka &#8220;Wefigaasi haatan waxay ku soo laabteen Washington D.C iyagoo ku soo qancay qiimaha ay Somaliland u leedahay Maraykanka marka laga hadlayo dagaalka lidka ku ah Is ballaadhinta iyo saamaynta Shiinaha ee gobolka&#8221; ayuu yidhi La-taliye Piero Tozzi, waxaanu Intaa ku daray \u201cMaadaama ay muuqato, shirqoolada daynka Shiinaha uu siinayo Afrika, Daymaynta Djibouti iyo la wareegida garoonka diyaaradaha Entebbe Airport ee Uganda, si arimahaas looga jawaabo \u2014 Muhimada Somaliland leedahay ayaa si muuqata u kordhaysa..<\/p>\n<p>La-taliyuhu wuxuu soo jeediyey &#8220;Anigu waxaanu rajaynayaa in Xukuumadda Maraykanku toos ula xidhiidhi doonto Xukuumada fadhigeedu yahay Hargeisa, halkii ay ka soo mari lahayd Muqdisho, oo ay ku biiri doonto waddamada horeba xidhiidhka dublamasi ula yeeshay Somaliland oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Ethiopia iyo Imaaraadka CarabtA oo dhamaantood Wakiilo u fadhiyaan Hargeisa.\u201d ayay hadalkeedii raacisay<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Washington (Arabsiyonews) &#8211; La-taliye sare oo Maraykan ah, ayaa sheegay in Wefti xaqiiqo-raadin ah oo ka socday Koongarayska Maraykanku ay ku soo qanceen ahmiyadda Somaliland u leedahay danaha Maraykanka ee Geeska Afrika. Weftiga Koongarayska Maraykanka ka socday oo socdaal Somaliland ku yimid bishan horraanteedii, ayaa kulamo la yeeshay Madaxda Somaliland, waxayna safar ku tageen Magaalooyin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65718,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-65716","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/maxresdefault-11.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h5W","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65716","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65716"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65716\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65717,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65716\/revisions\/65717"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65718"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65716"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65716"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65716"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}