{"id":65625,"date":"2021-12-26T19:10:01","date_gmt":"2021-12-26T19:10:01","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65625"},"modified":"2021-12-26T19:10:01","modified_gmt":"2021-12-26T19:10:01","slug":"maraykanka-iyo-uk-oo-la-saftay-rooble","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/12\/26\/maraykanka-iyo-uk-oo-la-saftay-rooble\/","title":{"rendered":"Maraykanka Iyo UK Oo La Saftay Rooble"},"content":{"rendered":"<p>Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra\u2019iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran<br \/>\nQoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri \u201cWaxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.\u201d<br \/>\nSafiirka UK, Kate Foster ayaa iyana tiri \u201cWaxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto. Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hanaanka doorasho ee Soomaaliya.\u201d<\/p>\n<p>Warka kasoo baxay Mareykanka iyo UK ayaa muhiim u ah ra\u2019iisul wasaare Rooble, xilli madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna iclaamiyey shir kale oo lagu carqaladeynayo midka Rooble.<\/p>\n<p>Qoraalka Mareykanka iyo UK ayaa yimid saacado kadib markii uu soo dhammaaday kulan uu hab fogaan arag ah ra\u2019iisul wasaare Rooble kula yeeshay wakiilada beesha caalamka.<br \/>\nSida uu Rooble u sheegay xubnaha Beesha Caalamka, shirka la qorsheynayo inay yeeshaan Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saari doona jadwal doorasho oo mudeynaya xilliga ay soo gaba-gabobeyso doorashada dalka, ayada oo hore u fashilmeen dhowr jadwal doorasho oo lasoo saaray.<\/p>\n<p>Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra\u2019iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.<br \/>\nSidoo kale waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wada-tashiga ah ee Ra\u2019iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka, si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashada.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra\u2019iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri \u201cWaxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65626,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65625","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/Snapshot_701.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h4t","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65625","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65625"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65625\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65627,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65625\/revisions\/65627"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65626"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65625"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65625"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65625"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}