{"id":65556,"date":"2021-10-19T16:17:34","date_gmt":"2021-10-19T16:17:34","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65556"},"modified":"2021-10-19T16:17:34","modified_gmt":"2021-10-19T16:17:34","slug":"aqalka-sare-ee-waddanka-faransiiska-oo-ka-hadlay-qaddiyada-jamhuuriyadda-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/10\/19\/aqalka-sare-ee-waddanka-faransiiska-oo-ka-hadlay-qaddiyada-jamhuuriyadda-somaliland\/","title":{"rendered":"Aqalka Sare Ee Waddanka Faransiiska Oo Ka Hadlay Qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland"},"content":{"rendered":"<div dir=\"auto\">Paris(Arabsiyonews):-Safiirka Somaliland ee Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan ayaa ku martiqaaday Guddiga Saaxiibtinimada Geeska Afrika ee Golaha Guritda Faransiiska inay booqasho ku yimaadaan Somaliland kana hadlay dhinacyada labada dal iska kaashan karaan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Qoraal 18 October, 2021 shalay lagu baahiyey mareegta Golaha Guuritda Faransiiska ayaa faahfaahin lagaga bixiyey kulan martiqaad Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika la yeesheen Safiirka Somaliland ee Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan iyo qodobadii labada dhinac ka wada hadleen.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arbadii, October 6, 2021 Md C\u00e9dric PERRIN, Gudoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika &amp; ku-xigeenadiisa Olivier CIGOLOTTI, oo qaabilsan dalka Jabuuti, Hugues SAURY, dalka Sudan, Michel CAN\u00c9VET &amp; Ms. Vivette LOPEZ ayaa kulan la yeeshay Md. Cali Ismaaciil Xasan, Wakiilka Somaliland ee Faransiiska, oo ay wehelinayeen laba khabiir Christian FR\u00c9MAUX &amp; Jo\u00ebl BROQUET, la xidhiidhay xaalada Somaliland.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Kulanka Safiirka Somaliland Md Cali iyo Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika oo u shirgudoominayey Gudoomiye Md. C\u00e9dric PERRIN, ayaa lagu bilaabay,<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">\u201cSomaliland, oo ah dhul ay ku nool yihiin 4 milyan oo qof, ayaa ka go&#8217;day Soomaaliya inteeda kale 1991, ka dib markii la riday taliskii Siyaad BARR\u00c9. Hase yeeshee, madaxbannaanideeda, ma aqoonsana beesha caalamka, laakiin waddamada qaarkood waxay u muujiyaan taageeradooda aqoonsiga, tusaale, Taiwan iyo Dubai, ama, ugu yaraan, sida Itoobiya.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Somaliland ayaa dedaal ugu jirta inay qadiyadeeda uga ololeyso Midowga Afrika, kana dalbatay khubaro shuruucda caalamka ku takhasusay inay raadiyaan dariiqa ay aqoonsiga u marayso, iyagoo maskaxda ku haya in dalal la mid ah oo aan aqoonsi haysan, xubno ka noqdeen urrurada Qaramadda Midoobay, ee UNESCO, sida Falastiin.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Qoraalka Golaha Guuritda ayaa la raaciyey in Safiir Cali oo ka jawaabayey su\u2019aal uu weydiiyey Gudoomiye PERRIN, sheegay in taageerada Caalamka iyo QM Somaliland xiisaynayso in loo soo mariyo dalka Jabuuti.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Safiirka Somaliland ee Faransiiska oo ka hadlayey dhinacyada Somaliland iyo Faransiisku iska kaashan karaan ayaa sheegay xilligan dhinaca dhaqanka jirto, oo Somaliland ka furan yihiin xarumo luuqada Faransiiska, sida xarun Marwo Edna Adan samaysay iyo xarun ku taal Jaamacadda Camuud. Sidoo kale khubarada Faransiisku hormood u ahaayeen gaadhsiinta caalamka taariikhda aasaarta Laasgeel, sidoo kalena iska kaashan karaan dhinaca kheyraadka badda.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Safiirka Somaliland Md Cali waxuu ku martiqaaday Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika ee Golaha Guurtida inay booqasho ku tagaan Somaliland.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Paris(Arabsiyonews):-Safiirka Somaliland ee Faransiiska Md Cali Ismaaciil Xasan ayaa ku martiqaaday Guddiga Saaxiibtinimada Geeska Afrika ee Golaha Guritda Faransiiska inay booqasho ku yimaadaan Somaliland kana hadlay dhinacyada labada dal iska kaashan karaan. Qoraal 18 October, 2021 shalay lagu baahiyey mareegta Golaha Guuritda Faransiiska ayaa faahfaahin lagaga bixiyey kulan martiqaad Guddiga Saaxiibtinimadda Geeska Afrika la yeesheen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65557,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65556","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/10\/w3e.jpg?fit=916%2C611&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h3m","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65556","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65556"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65556\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65558,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65556\/revisions\/65558"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65557"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65556"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65556"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65556"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}