{"id":65375,"date":"2021-09-30T20:12:36","date_gmt":"2021-09-30T20:12:36","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65375"},"modified":"2021-09-30T20:12:36","modified_gmt":"2021-09-30T20:12:36","slug":"boqol-qof-oo-lagu-dilay-dagaal-xooggan-oo-ka-socda-marib","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/09\/30\/boqol-qof-oo-lagu-dilay-dagaal-xooggan-oo-ka-socda-marib\/","title":{"rendered":"Boqol qof oo lagu dilay dagaal xooggan oo ka socda Marib"},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 100 isugu jira mucaaradka Yemen iyo ciidamada dowladda taageersan ayaa 48-kii saac ee tegay lagu dilay dagaal sii xoogeysanaya oo ka socda magaalada muhiimka ah ee Marib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari iyo kuwa caafimaad.<\/p>\n<p>Sidoo kale, duqeymo dhowr oo ay sameeyeen isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta oo sare u qaaday weerarka ay ku hayaan Marib, oo ah magaalada kaliya ee waqooyi ee ku hartay gacanta dowladda.<\/p>\n<p>Lixdan iyo sideed Xuutiyiin ah iyo 32 taabacsan dowladda ayaa lagu dilay isku dhacyadii ugu dambeeyey, sida ay ilo-wareedyo militari u sheegeen AFP. Khasaarahan ayaa waxaa xaqiijiyey ilo-wareedyo caafimaad.<\/p>\n<p>Mucaaradka ayaan inta badan sheegin khasaarahooda. Hase yeeshee Taleefishinkooda Al-Masirah ayaa ku warramay in 60 duqeymo lala beegsaday Marib, labadii maalmood ee ugu dambeeyey.<\/p>\n<p>Boqolaal dagaal-yahan ayaa bishan la dilay kadib markii Xuutiyiinta ay soo cusbooneysiiyeen ololaha ay ka wadaan caasimadda gobolka hodanka ku ah shidaalka.<\/p>\n<p>Marib oo 120 km bari ka xigta caasimadda Sanca ee Xuutiyiinta ay haystaan, ayaa ku taalla meel muhiim ah oo xiriirisay gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi, waxayna muhiim u tahay maamulka waqooyiga Yemen.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 100 isugu jira mucaaradka Yemen iyo ciidamada dowladda taageersan ayaa 48-kii saac ee tegay lagu dilay dagaal sii xoogeysanaya oo ka socda magaalada muhiimka ah ee Marib, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari iyo kuwa caafimaad. Sidoo kale, duqeymo dhowr oo ay sameeyeen isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta oo sare [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65376,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65375","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/Arabsiyonews-Yamen.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h0r","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65375","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65375"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65375\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65377,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65375\/revisions\/65377"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65376"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65375"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65375"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65375"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}