{"id":65371,"date":"2021-09-30T19:23:11","date_gmt":"2021-09-30T19:23:11","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65371"},"modified":"2021-09-30T19:23:11","modified_gmt":"2021-09-30T19:23:11","slug":"maxaa-kusoo-kordhay-wada-hadallada-sacuudiga-iyo-iran","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/09\/30\/maxaa-kusoo-kordhay-wada-hadallada-sacuudiga-iyo-iran\/","title":{"rendered":"Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada Sacuudiga iyo Iran?"},"content":{"rendered":"<p>Baqdaad:-Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa mar kale ku kulmay Ciraaq, sida ay maanta sheegeen ilo-wareedyo gudaha oo dhowr ah, ayada oo ay xoogeysteen wada-hadallada lagu qaboojinayo xiisadda ka dhex-oogan.<\/p>\n<p>Iran iyo Sacuudiga, oo isaga soo horjeeda dagaalo dhowr ah oo ka s socda Bariga Dhexe, ayey wada-hadallada u billowdeen bishii April, markii ugu horreysay tan iyo markii ay xiriirka kala goosteen 2016.<\/p>\n<p>Wada-hadallada oo ay marti-gelienyso Ciraaq oo isku dayeysa inay noqoto dhex-dhexaadiyaha gobolka, ayaa waxaa la billaabay intii uu xukunka hayey madaxweynihii hore ee Iran Hassan Rouhani, oo bishii August uu beddelay Ebrahim Raisi.<\/p>\n<p>Wada-hadallada ayaa horseeday \u201chorumar dhab ah\u201d oo ku saabsan amniga Gacanka, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh, 23-kii September.<\/p>\n<p>Wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa waxaa xaqiijiyey saddex ilo-wareedo oo Ciraaqi ah, oo dhammaantood codsaday inaan la magacaabin.<\/p>\n<p>\u201cSarkaal Iranian ah ayaa Baghdad kula kulmay sarkaal Sacuudi ah, kadib kulamadii ay horey u yeesheen labada dal,\u201d waxaa sidaas yiri il-wareed la hadlay wakaaladda wararka AFP.<\/p>\n<p>Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Ciraaq iyo il-wareed ku dhow dowladda ayaa xaqiijiyey kulanka, ayaga oo aan bixin faah-faahin.<\/p>\n<p>Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz, oo dhowaan khudbad u jeediyey Golaha Guud ee QM, ayaa sheegay inuu rajeynayo inay miro dhalaan wada-hadallada labada dhinac.<\/p>\n<p>\u201cIran waa dal deris ah, waxaana rajeynayaa in wada-hadalladeena billowga ah ay hogaamin doonaan natiijooyin la taaban karo oo kalsooni lagu dhiso, oo ku dhisan xushmeynta qarannimada iyo faro-gelin la\u2019aanta arrimaha gudaha,\u201d ayuu yiri Boqor Salman.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baqdaad:-Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa mar kale ku kulmay Ciraaq, sida ay maanta sheegeen ilo-wareedyo gudaha oo dhowr ah, ayada oo ay xoogeysteen wada-hadallada lagu qaboojinayo xiisadda ka dhex-oogan. Iran iyo Sacuudiga, oo isaga soo horjeeda dagaalo dhowr ah oo ka s socda Bariga Dhexe, ayey wada-hadallada u billowdeen bishii April, markii ugu horreysay tan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65372,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65371","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/saudi.jpg?fit=289%2C174&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h0n","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65371","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65371"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65371\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65374,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65371\/revisions\/65374"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65372"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65371"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65371"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65371"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}