{"id":65348,"date":"2021-09-27T21:21:18","date_gmt":"2021-09-27T21:21:18","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65348"},"modified":"2021-09-27T21:21:18","modified_gmt":"2021-09-27T21:21:18","slug":"wasiirka-arrimaha-haweenka-ethiopia-oo-is-casishay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/09\/27\/wasiirka-arrimaha-haweenka-ethiopia-oo-is-casishay\/","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia Oo is casishay"},"content":{"rendered":"<p><span class=\"dateline\">ADDIS ABABA \u2014\u00a0<\/span>Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee qirta in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay.<\/p>\n<p>\u201cXaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda\u2019ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,\u201d ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida.<\/p>\n<p>\u201cSababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.\u201d<\/p>\n<p>Bishii February ayay Filsan sheegtay in \u201cshaki la\u2019aan\u201d ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara.<\/p>\n<p>Bishii tegtay, Filsan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay in warbixinta guddiga loo diray xeer-ilaaliyaha guud, islamarkaana ay u taallo saraakiisha hay\u2019adaha fulinta inay go\u2019aan ka gaaraan xaddiga dambiyada iyo cidda mas\u2019uulka ka ah.<\/p>\n<p>Waxa ay intaas ku dartay inay rumeysan tahay in saraakiisha sharci-fulinta \u201cay sameynayaan intii karaankooda ah\u201d laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dhaqso leh horey ugu sii socon doonto.<\/p>\n<p>Filsan kama jawaabin codsi loo diray maanta oo ku saabsanaa inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso is-casilaaddeeda.<\/p>\n<p>Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>ADDIS ABABA \u2014\u00a0Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee qirta in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay. \u201cXaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65349,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65348","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/arabsiyonews-2.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-h00","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65348","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65348"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65348\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65350,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65348\/revisions\/65350"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65349"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65348"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65348"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65348"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}