{"id":65288,"date":"2021-09-22T13:35:45","date_gmt":"2021-09-22T13:35:45","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65288"},"modified":"2021-09-22T13:35:45","modified_gmt":"2021-09-22T13:35:45","slug":"wakiilladda-oo-ansixiyay-mooshin-la-horkeenay-golaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/09\/22\/wakiilladda-oo-ansixiyay-mooshin-la-horkeenay-golaha\/","title":{"rendered":"Wakiilladda oo Ansixiyay Mooshin la Horkeenay Golaha"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa golahaasi u soo gudbiyay mooshin la xidhiidha hab-raaca xil gudashadda haayadda Caymiska iyo fulinta go\u2019aamadda maxkamadda sare.<\/p>\n<p>Mooshinkaasi oo ay golaha u soo gudbiyeen 20 xildhibaan ayay u jeedadiisu tahay in ay goluhu soo saaraan go\u2019aan golle oo la xidhiidha hab-raaca xil-gudashadda haayadda Caymiska qaranka iyo fulinta go\u2019aanka maxkamadda sare.<\/p>\n<p>Mooshinkaasi oo golaha la hr keenay fadhigii shalay waxaa golaha ka hor akhriyay mooshinkaasi iyo waxa uu ku saabsan yahay xildhibaan C\/rashiid C\/laahi, oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda Somaliland.<\/p>\n<p>U jeedadda mooshinkaasi ayay xildhibaanadaasi u cuskadeen in iyagoo ka duulaya qodobka 42aad ee xeer hoosaadka golaha Wakiiladda Somaliland ee xeer LN.12\/2020 oo dhigaya in ay mudaneyaashu xaq u leeyihiin in ay soo gudbiyaan oo ay soo qoraan codsi mooshin.<\/p>\n<p>Kaasoo ay ku soo hagaajinayaan xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda, sidoo kalena in iyadoo maanka ku hayaan nuxurka ku tilmaaman xeerka Caymiska qaranka 92\/2021 iyo ahmiyadda balaadhan ee ay xanbaarsan yihiin addeegyadda ay haayadda caymisku qaranka u xil saaran tahay.<\/p>\n<p>Waxa kaloo ay xildhibaanadaasi soo jeedintoodda ku sheegeen in iyadoo sidoo kale ahmiyad siinaya cabashooyinka ay golaha Wakiiladda u soo gudbiyeen ganacsatadda gaadiidleyadda dalku, isla markaana tixgelinayna duruufaha iyo qabyadda la xidhiidha Caymiska.<\/p>\n<p>Sidaas darteed Mooshinka ay 20-kan xildhibaan golaha u soo gudbiyeen waxay u soo jeediyeen in ay go\u2019aan golle ku soo saaraan qodobo ay ka mid yihiin, in goluhu ayiddo go\u2019aankii maxkmadda sare ee ku taariikhaysnaa 18-kii bishii 9aad ee 2021-ka.<\/p>\n<p>In haayadda Caymiska qaranku xilkeedda u gudato si waafaqsan dastuurka dalka iyo shareecadda islaamka iyo sidoo kale in haayadda Caymiska qaranku hakiso, dhamaanka addeegyadii caymiska ee ay shirkaduhu bixiyaan.<\/p>\n<p>Intaasi ka dib garyaqaanka golaha Wakiiladda ayaa xildhibaanada la wadaagay sharcinimada mooshinkaasi iyo in uu waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka.<\/p>\n<p>Waxaanu shir-guddoonka iyo mudaneyaasha u sheegay inuu mooshinkaasi sharci waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha iyo dastuurkaba.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland C\/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa cod galiyay mooshinkaasi sharci ee xildhibaanadu soo jeediyeen.<\/p>\n<p>Iyadoo fadhigii shalay ee golaha Wakiiladda ay ka soo xaadireen 51 mudane, ayaa markii codka loo qaaday mooshinkaasi waxaa ogolaaday 43 xildhibaan, waxaana diiday 5 mudane, halka 2 xildhibaan-na ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu codaynin.<\/p>\n<p>Sidaasina waxaa ku ansaxay mooshinka sharci ee ay 20-ka xildhibaan u soo gudbiyeen golaha Wakiilladda<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa golahaasi u soo gudbiyay mooshin la xidhiidha hab-raaca xil gudashadda haayadda Caymiska iyo fulinta go\u2019aamadda maxkamadda sare. Mooshinkaasi oo ay golaha u soo gudbiyeen 20 xildhibaan ayay u jeedadiisu tahay in ay goluhu soo saaraan go\u2019aan golle oo la xidhiidha hab-raaca xil-gudashadda haayadda Caymiska qaranka iyo fulinta go\u2019aanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":51326,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65288","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/golaha.jpg?fit=640%2C427&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gZ2","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65288","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65288"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65288\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65289,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65288\/revisions\/65289"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51326"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65288"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65288"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65288"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}