{"id":65096,"date":"2021-09-07T20:25:44","date_gmt":"2021-09-07T20:25:44","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=65096"},"modified":"2021-09-07T20:25:44","modified_gmt":"2021-09-07T20:25:44","slug":"beesha-caalamka-oo-ka-hadashay-khilaafka-ka-taagan-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/09\/07\/beesha-caalamka-oo-ka-hadashay-khilaafka-ka-taagan-muqdisho\/","title":{"rendered":"Beesha Caalamka oo ka hadashay khilaafka Ka Taagan Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(Arabsiyonews):- Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyey khilaaf siyaasadeedka cusub ee hareeyey madaxda dowladda federaalka ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ay beesha caalamka soo saartay ayaa lagu yiri \u201cSaaxiibada Beesha Caalamku waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado,\u201d ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra&#8217;iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.\u201d<\/p>\n<p>Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyn sheegay inay sii wadi doonaan xiriirka madax Soomaaliyeed, si bey yiraahdeen, aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan.<\/p>\n<p>War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray:\u00a0<em>Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.<\/em><\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Muqdisho Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(Arabsiyonews):- Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyey khilaaf siyaasadeedka cusub ee hareeyey madaxda dowladda federaalka ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. War-saxaafadeed ay beesha caalamka soo saartay ayaa lagu yiri \u201cSaaxiibada Beesha Caalamku waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":65097,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-65096","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/117960558_5fb90c02-a546-451a-ad3a-0299aa64110b.jpg?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gVW","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65096","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65096"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65096\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65099,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65096\/revisions\/65099"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65097"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65096"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65096"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65096"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}