{"id":64965,"date":"2021-08-27T15:36:04","date_gmt":"2021-08-27T15:36:04","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64965"},"modified":"2021-08-27T15:36:04","modified_gmt":"2021-08-27T15:36:04","slug":"midowga-afrika-oo-magacaabay-madaxweyne-somaliland-saaxiib-dhow-la-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/08\/27\/midowga-afrika-oo-magacaabay-madaxweyne-somaliland-saaxiib-dhow-la-ah\/","title":{"rendered":"Midowga Afrika Oo Magacaabay Madaxweyne Somaliland Saaxiib Dhow La Ah"},"content":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews) \u2013 Ururka Midowga Afrika, ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mudane Olusegun Obasanjo u Magacaabay Ergayga sare ee Geeska Qaaradda Afrika u qaabilsan Midowga Afrika.<\/p>\n<p>Sidaa waxa lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Komiishanka Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, taasi oo Khamiista Maanta soo gaadhay Warbaahinta.<\/p>\n<p>Wareegtada uu soo saaray Moussa Faki Mahamat, ayaa lagu sheegay in ujeeddada Magacaabista\u00a0 Olusegun Obasanjo ay tahay in Ururka Midowga Afrika uu kor u qaado isla-markaana xoojiyo Dedaalladiisa Horumarinta Nabadgalyada, Amniga, deganaansha iyo Wada-hadallada nabadeed ee guud ahaan Dalalka ku yaalla Gobolka Geeska Afrika.<\/p>\n<p>\u201cGo\u2019aanka Magacaabista Olusegun Obasanjo ayaa qayb ka ah in Midowga Afrika uu horumariyo Nabadgalyada, Amniga, Xasilloonida iyo Wada-hadallada siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika.\u201d Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka lagu shaaciyey Magacaabista Mr. Olusegun Obasanjo, waxaanu intaa ku daray \u201cGuddoomiyuhu aad\u00a0 ayuu ugu mahadcelinaya Madaxweyne Olusegun Obasanjo inuu u aqbalo xilkan siyaasadeed ee istiraatiijiga ah, iyadoo loo eegayo danta guud ee Ururka\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale, Guddoomiyaha Komiishanka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay inuu Mr. Olusegun Obasanjo uu yahay diblumaasi leh khibrad siyaasadeed oo badan, aqoon ahaana uu aad ugu xeel-dheer yahay Xaaladda xilligan\u00a0 ee Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Komiishanka Ururka Midowga Afrika, wuxuu beesha Caalamka iyo daneeyayaasha Geeska Afrika ugu baaqay inay Ergayga siiyaan Taageero kasta oo suurto-gal ah, iyadoo la filayo inuu Toddobaadyada soo socda soo gaadho Gobolka.<\/p>\n<p>Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo ah Diblumaasi khibrad badan u leh Qaaradda Afrika iyo Gobolka Geeska Afrikaba, ayaa Saaxiib dhaw la ah Somaliland, waxaana sannadkii 2019-kii uu safar ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu Marti-qaad ka helay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Xilligaas, waxa Olusegun Obasanjo Casuumad loogu fidiyey Qasriga Madaxtooyada, waxaanu halkaa ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga warramay Marxaladaha siyaasadeed ee Afrika, Qadiyadda Somaliland iyo Arrimo kale muhiim ahaa.<\/p>\n<p>Wareegtada lagu Magacaabay ayaa waxa ku xusan in Waajibaadkiisa ay ka mid tahay Wada-hadallada siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika, sidaasi darteed waxa suurto-gal ah inuu qayb libaaxle ka qaato Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo dabcan wax badan ka fahamsana kala duwaanshiyaha Somaliland iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews) \u2013 Ururka Midowga Afrika, ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mudane Olusegun Obasanjo u Magacaabay Ergayga sare ee Geeska Qaaradda Afrika u qaabilsan Midowga Afrika. Sidaa waxa lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Komiishanka Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, taasi oo Khamiista Maanta soo gaadhay Warbaahinta. Wareegtada uu soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":64968,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-64965","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/sddefault-27.jpg?fit=640%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gTP","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64965","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64965"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64965\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64969,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64965\/revisions\/64969"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64968"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64965"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64965"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64965"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}