{"id":64892,"date":"2021-08-17T16:49:59","date_gmt":"2021-08-17T16:49:59","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64892"},"modified":"2021-08-17T16:49:59","modified_gmt":"2021-08-17T16:49:59","slug":"madaxweynaha-mareykanka-oo-difaacay-ka-bixitaankii-afgaanistaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/08\/17\/madaxweynaha-mareykanka-oo-difaacay-ka-bixitaankii-afgaanistaan\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Mareykanka Oo Difaacay Ka Bixitaankii Afgaanistaan"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, isaga oo sheegay inuu weli ku adkeysanayo siyaasaddaas, ayna tahay xilligii ay ka tegi lahaayeen dalkaas, 20 sano oo dagaal ah kadib.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ahay madaxweynaha Mareykanka, mas\u2019uuliyaddana anigaa leh,\u201d ayuu yiri Biden oo khudbad aad loo sugayey ka jeediyey Aqalka Cad, kadib maalmo uu ka aamusnaa xaaladda Afghanistan.<\/p>\n<p>Biden ayaa sheegay \u201cinuu si qoto dheer uga murugooday\u201d sida xaaladdu isu beddeshay, wuxuuna ballan-qaaday inuu difaaci doono xuquuqda haweenka Afghanistan, oo hadda wajahaya soo laabashada xukunka Taliban.<\/p>\n<p>Hase yeeshee wuxuu si aan gabasho laheyn ugu adkeystay inuusan ka qoomameeneyn soo saarista ciidamada Mareykanka, inkasta oo si aad ah loogu dhalleeceeyey qaskii ka dhacayey halkaas, maalmihii tegay.<\/p>\n<p>\u201cWaxan si buuxda u taageersanahay go\u2019aankeyga. Kadib 20 sano, si adag ayaan u bartay in marnaba aysan jirin waqti wanaagsan oo lasoo bixiyo ciidamada Mareykanka,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka ayaa qirtay in dowladda Afghanistan u burburtay si ka deg deg badan sidii uu filayey \u2013 wuxuuna soo jeediyey inaysan laheyn rabitaan ay kaga hortaagan Taliban.<\/p>\n<p>\u201cRunta ayaa ah inay u kala fururmeen si ka dhaqso badan sida aan fileynay,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan siinay fursado badan oo ay go\u2019aan uga garaan mustaqbalkooda. Hase yeeshee ma aynan siin karin rabitaanka ay ugu dagaalamaan mustaqbalkooda.\u201d<\/p>\n<p>Biden ayaa ugu dambeyn diginin culus ugu jeediyey Taliban inaysan arbushin ama aysan halis gelin daad-gureynta kumanaanka qof ee isugu jira diblomaasiyiinta Mareykanka iyo tarjumaanadooda reer Afghanistan ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kabul.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan dadkeena ku difaaci doonnaa awood xoog badan haddii loo baahdo,\u201d ayuu yiri Biden.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, isaga oo sheegay inuu weli ku adkeysanayo siyaasaddaas, ayna tahay xilligii ay ka tegi lahaayeen dalkaas, 20 sano oo dagaal ah kadib. \u201cWaxaan ahay madaxweynaha Mareykanka, mas\u2019uuliyaddana anigaa leh,\u201d ayuu yiri Biden oo khudbad aad loo sugayey ka jeediyey Aqalka Cad, kadib maalmo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63837,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-64892","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/Joe-Biden.jpg?fit=620%2C349&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gSE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64892","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64892"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64892\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64893,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64892\/revisions\/64893"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63837"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64892"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64892"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64892"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}