{"id":64696,"date":"2021-07-31T17:41:51","date_gmt":"2021-07-31T17:41:51","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64696"},"modified":"2021-07-31T17:41:51","modified_gmt":"2021-07-31T17:41:51","slug":"israaiil-oo-u-hanjabtay-iran","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/07\/31\/israaiil-oo-u-hanjabtay-iran\/","title":{"rendered":"Israa&#8217;iil Oo U Hanjabtay Iran"},"content":{"rendered":"<p>Tel Aviva &#8211; Israa\u2019iil ayaa Jimcihii Iran ku eedeysay inay fulisay weerar lagu qaaday Markab shidaalka qaada oo ay maamusho shirkad Israa\u2019iili ah, waxayna wacad ku martay jawaab xanuun badan.<\/p>\n<p>Weerarka oo Khamiistii ka dhacay xeebaha Cuman ayaa waxaa lagu dilay laba qof oo u kala dhashay Britain iyo Romania, wuxuuna sidoo kale waxyeello gaadhsiiya markabka Mercer Street oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed uu saaray, ayuu wasiirka arirmaha dibedda Israa\u2019iil Yair Lapid ku sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Britain u sheegay baahida loo qabo jawaab adag oo laga bixiyo weerarka.<\/p>\n<p>\u201cIran ma ahan kaliya dhibaato Israa\u2019iil, balse waxay dhoofisaa argagixisanimo, burburin iyo xasillooni darro dhammaanteen na waxyeeleysa. Dunida waa inaysan ka aamusin argagixisanimada Iran ee dhaawaceysa xoriyadda dhaqaaqa maraakiibta,\u201d ayuu yidhi Lapid.<\/p>\n<p>Website-ka wararka Ynet ee Israa\u2019iil ayaa sidoo kale sarkaal aan la magacaabin kasoo xigtay inuu yidhi \u201cIsraa\u2019iil way ku adkaan doontaa inay indhaha ka qabsato weerarkan.\u201d<\/p>\n<p>Ilo-wareedyo sirdoon oo Mareykan iyo Yurub ah ayaa u sheegay Reuters inay tuhmayaan in Iran ay ka dambeysay dhacdadan, ayada oo sarkaal difaac oo Mareykan ah uu intaas ku daray in weerarka u muuqdo in lagu fuliyey drone.<\/p>\n<p>Taleefishinka Carabiga ku hadla ee dowladda Iran ee Al Alam ayaa ilo-wareedyo aan la magacaabin kasoo xigtay in weerarka uu jawaab u ahaa weerar ay Israa\u2019iil ku qaaday garoonka diyaaradaha Dabaa ee Syria.<\/p>\n<p>Dowladda Iran weli jawaab rasmi ah kama bixin eedeymaha ku saabsan inay mas\u2019uul ka aheyd weerarka.<\/p>\n<p>Xiisadda Gacanka ayaa sare u kacday wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu dib usoo celiyey cunaqabateynadii ka dhanka ahaa Iran 2018-kii, kadib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu Washington ka saaray heshiiska nukliyeerka ee Iran iyo quwadaha adduunka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tel Aviva &#8211; Israa\u2019iil ayaa Jimcihii Iran ku eedeysay inay fulisay weerar lagu qaaday Markab shidaalka qaada oo ay maamusho shirkad Israa\u2019iili ah, waxayna wacad ku martay jawaab xanuun badan. Weerarka oo Khamiistii ka dhacay xeebaha Cuman ayaa waxaa lagu dilay laba qof oo u kala dhashay Britain iyo Romania, wuxuuna sidoo kale waxyeello gaadhsiiya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":64697,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-64696","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/07\/Israaiil.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gPu","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64696","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64696"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64696\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64698,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64696\/revisions\/64698"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64697"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64696"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64696"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64696"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}