{"id":64445,"date":"2021-07-11T16:28:10","date_gmt":"2021-07-11T16:28:10","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64445"},"modified":"2021-07-11T16:28:10","modified_gmt":"2021-07-11T16:28:10","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-tobabar-usoo-xidhay-keydka-xooga-ciidammada-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/07\/11\/madaxweynaha-somaliland-oo-tobabar-usoo-xidhay-keydka-xooga-ciidammada-qaranka\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland oo Tobabar usoo Xidhay Keydka Xooga Ciidammada Qaranka"},"content":{"rendered":"<p>Dararweyne-(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta u soo xidhay dufcaddii saddexaad ee barnaamijka carbiska shaqo qaran oo ku jiray xarunta dugsiga tababarka ee Dararweyne oo dhinaca waqooyi-barri kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Munaasibadda lagu soo xidhayey tababarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka,\u00a0 agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, xubno kamid ah golaha wasiirrada, macallimiintooda iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, ayuu madaxweynuhu ugu horrayn halkaas salaam kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka, waxana uu indho indheeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay halkaas ku soo bandhigeen dufcada maanta qalinjebisay.<\/p>\n<p>Ugu horrayn agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu\u2019addinka) oo munaasibadda furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay kulliyaddu soo martay, waxana uu\u00a0 tilmaamay inay maamul ahaan iyo qaran ahaanba loo hagar baxay dhallinyarada maanta qalinjebinaysa, islamarkaana ay kalsooni badan ku qabaan in midhahaasi ay qaranka anfici doonaan.<\/p>\n<p>Maayarka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, Mudane Maxamed Aadan Digaale oo kamid ah dufcaddii labaad ee Ardayda Shaqo Qaran oo halkaas kelmado kooban ka jeediyey, ayaa ka sheekeeyey casharradii dhaxalgalka ahaa ee uu ka bartay kulliyadda iyo sida ay qaybta uga qaadatay horumarkiisa, waxana uu sheegay inuu tusaale nool u yahay inay dhallinyarada Shaqo Qaran mustaqbal ifaya leeyihiin.<\/p>\n<p>Taliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Adna Aadan Ismaaciil, guddoomiyeyaasha Jaamacadaha, Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo Hargeysa,\u00a0 Prof. Maxamed Yuusuf oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in dhallinyaro aqoonyahanno ah oo waddaniyad iyo xirfado ku hubaysani markii saddexaad ka aflaxaan Barnaamijka Shaqo Qaran oo foolaad u ah himilooyinkii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta\u00a0 maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada, Mudane Mustafe Maxamed Cali Bille oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey da\u2019yarta maanta ka Aflaxday kulliyadda carbiska ee Dararweyne, waxana ay kula dardaarmeen inay weeleeyaan duruusta waddaniyaddu ugu weynayd ee la baray muddadii ay halkaas ku jireen, dadkooda iyo dalkoodana uga faa\u2019iideeyaan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyey, soona xidhay dufcadii saddexaad ee Shaqo qaran oo maanta ka qalinjebisay kulliyadda Shaqo Qaran, waxana uu kula dardaarmay inay wanaagga u hiiliyaan, kana hortagaan wax kasta oo dalkooda iyo dadkoodaba wax yeelaya, waxana uu yidhi,\u201cAad iyo aad baan u hambalyeynayaa shaqo qaran, agaasimahooda iyo intii tababartay, Ardayda maanta qalinjebinaysa hambalyo, dardaarankeennu waa wixii wanaag ah oo aad u hiilisaan, wixii xumaan ah oo aad ka hortagtaan iyo dalkiinna oo aad u hiilisaan.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi\u00a0 waxa uu sheegay in dhallinyarada laga bilaabo shalay ay yihiin kaydka ciidammada xooga ee qaranka waxana uu yidhi , \u201cMabda\u2019eenu waa in uu ahaado waxtarka bini\u2019aadamka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, dhalinyaraddan loo Tababarey\u00a0 Shaqo Qaran ee 300 ee Wiil ahi waxay noqonayaan\u00a0 Keydka Xooga Ciidammada Qaranka Somaliland\u201d<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dararweyne-(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta u soo xidhay dufcaddii saddexaad ee barnaamijka carbiska shaqo qaran oo ku jiray xarunta dugsiga tababarka ee Dararweyne oo dhinaca waqooyi-barri kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Munaasibadda lagu soo xidhayey tababarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka,\u00a0 agaasimaha Barnaamijka shaqo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":64446,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-64445","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/07\/xaf.jpg?fit=2048%2C1115&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gLr","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64445","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64445"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64445\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64448,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64445\/revisions\/64448"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64446"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64445"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64445"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64445"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}