{"id":64347,"date":"2021-07-05T18:39:22","date_gmt":"2021-07-05T18:39:22","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64347"},"modified":"2021-07-05T18:39:22","modified_gmt":"2021-07-05T18:39:22","slug":"raisalwasaaraha-itoobiya-maxuu-kaga-jawaabay-shuurada-tplf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/07\/05\/raisalwasaaraha-itoobiya-maxuu-kaga-jawaabay-shuurada-tplf\/","title":{"rendered":"Raisalwasaaraha Itoobiya Maxuu Kaga Jawaabay Shuurada TPLF?"},"content":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews):-Ra&#8217;iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada dalkiisa ee gobolka Tigray aysan ka dhigneyn in dowladda ay ku guuldareysatay dagaalka.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in dagaalka muddada 8 bilood ah socday lagu wiiqay ciidamada Tigray ee ay hormuud u yihiin xooggaga TPLF.<\/p>\n<p>Abiy oo maanta khudbad ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sidoo kale xusay in &#8216;ciidamada Itoobiya ay awood u leeyihiin in dagaal kale ay qaadaan balse loo baahan yahay ilaalinta amniga si Itoobiya loo horumariyo.&#8221;<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale sheegay in go&#8217;aanka ugu habboon uu ahaa in ciidamada lagala soo baxo Tigray maadama uu ahaa qorshe muddo bil ah soo socday.<\/p>\n<p>&#8220;Ka hor inta aanan xabad joojinta ku dhawaaqin, waxaa sameynayay la tashi badan, hanaanka ciidamada looga soo saaray Tigray waxay nagu qaadatay in ka badan bil&#8221;<\/p>\n<p>Abiy ma uusan soo hadal qaadin shuruudaha ay TPLF ku xirtay xabbad joojinta.<\/p>\n<p>Abiy ayaa sheegay in dowladda haatan ay soo afjartay halista maamulka TPLF isla markaana ay dib uga soo ceshatay hub ay horay ka dhaceen saldhigga militeriga ee ku yaalla Tigray.<\/p>\n<p>&#8220;Marka aan eegno natiijada dagaalka, kooxda sharciga ayaa la horkeenay. Hubkii ay horay u dhaceen haatan gacanta ayaan ku heynaa, ciidamada difaaca ayaana dib loo abaabulay.&#8221;<\/p>\n<p>Xabbad joojinta looga dhawaaqay Tigray &#8220;waa wax qof kasta uu ku fekerayay&#8221; si cashar looga barto waxa ka socda gobolka, ayuu yiri Abiy.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howsha haatan hortaalla ay tahay dib u dejinta dadkii ka qaxay colaadda, dhameystirka mashaariicda horumarineed ee gobolka iyo wax ka qabashada cudurka Covid-19.<\/p>\n<p>Ciidamada TPLF oo u dabaaldegaya qabsashada Mekelle<\/p>\n<p>Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin &#8211; siddeed bilood kaddib markii uu ra&#8217;iisul wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.<\/p>\n<p>Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.<\/p>\n<p>Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.<\/p>\n<p>Dagaalka u dhexeeya jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan kumanaan kun oo qof.<\/p>\n<p>In ka badan laba milyan ayaa sidoo kale ka barakacay, ku dhowaad 350,000 oo kalena waxaa saameysay macluul.<\/p>\n<p>Dagaalka ayaa billowday bishii Nofeembar, markii fallaagada TPLF ay diideen dib-u-habeyn siyaasadeed oo ay qabsadeen saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaana la wareegay magaalada Mekelle dabayaaqadii isla bishaas.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews):-Ra&#8217;iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada dalkiisa ee gobolka Tigray aysan ka dhigneyn in dowladda ay ku guuldareysatay dagaalka. Wuxuu sheegay in dagaalka muddada 8 bilood ah socday lagu wiiqay ciidamada Tigray ee ay hormuud u yihiin xooggaga TPLF. Abiy oo maanta khudbad ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sidoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":64348,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-64347","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/07\/abiy-ahmed-1.jpg?fit=1222%2C783&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gJR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64347","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64347"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64347\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64349,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64347\/revisions\/64349"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64348"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64347"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64347"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64347"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}