{"id":64206,"date":"2021-06-21T16:36:49","date_gmt":"2021-06-21T16:36:49","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64206"},"modified":"2021-06-21T19:46:36","modified_gmt":"2021-06-21T19:46:36","slug":"dadweynaha-itoobiya-oo-u-dareeray-doorashadii-ugu-horreysay-oo-xor-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/06\/21\/dadweynaha-itoobiya-oo-u-dareeray-doorashadii-ugu-horreysay-oo-xor-ah\/","title":{"rendered":"Dadweynaha Itoobiya oo u dareeray doorashadii ugu horreysay oo &#8216;xor&#8217; ah"},"content":{"rendered":"<p>ADDIS ABABA \u2014\u00a0In ka badan 37 milyan oo codbixiyeyaal ah ayaa isku diiwaangeliyay in ay maanta oo Isniin ah ka codeeyaan goobaha codbixinta ee guud ahaan Ethiopia, waana doorasho muhiim u ah dalkan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Africa.<\/p>\n<p>Xisbiga talada haya ee Prosperity oo uu hogaamiyo raiisul-wasaare Abiy Axmed ayaa soo sharraxay musharaxiinta ugu badan, iyadoo la filayo in uu ku guuleysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul-wasaaraha 44-jirka ah, oo 2019-kii Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ku helay hirgelinta dib-u-habeyn dhanka dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha dalkaasi ah iyo heshiis nabadeed oo uu la galay dalka deriska ah ee Eritrea, ayaa sheegay in codbixintu ay tahay \u201cisku-daygii ugu horreeyay ee doorasho xor ah xalaalna ah,\u201d oo ka dhacda Ethiopia.<\/p>\n<p>Laakiin doorashada ayaa waxaa hareeyay qaadacaadda qaar ka mid ah xisbiyada ugu weyn mucaaradka oo ku eedeynaya xisbiga talada haya dhibaateyn, cabsi-gelin iyo sidoo kale dagaalka wali ka socda gobolka waqooyi ee Tigray, halkaasi oo tan iyo bishii November ee sanadkii hore ay ciidamada dowladdu kula dagaalamayaan xoogag daacada u ah xisbigii gobolkaasi xukumi jiray ee TPLF.<\/p>\n<p>Dagaalka ayaa abuuray dhibaato bina\u2019aadamnimo oo ka jirta Tigray, iyadoo ilaa 350,000 oo qof ay macluul wajahayaan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.<\/p>\n<p>Gobolka Tigray oo baarlamaanka ku leh 38 kursi ayaan wali la shaacin waqtiga ay doorashadu ka dhici doonto. Wareeg kale oo doorasho ah ayaa Ethiopia ka dhici doona bisha September.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Arabsiyonews2020@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>ADDIS ABABA \u2014\u00a0In ka badan 37 milyan oo codbixiyeyaal ah ayaa isku diiwaangeliyay in ay maanta oo Isniin ah ka codeeyaan goobaha codbixinta ee guud ahaan Ethiopia, waana doorasho muhiim u ah dalkan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Africa. Xisbiga talada haya ee Prosperity oo uu hogaamiyo raiisul-wasaare Abiy Axmed ayaa soo sharraxay musharaxiinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62794,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-64206","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Abiy-Axmed.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gHA","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64206","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64206"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64206\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64208,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64206\/revisions\/64208"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62794"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64206"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64206"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64206"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}