{"id":6411,"date":"2015-02-19T10:40:21","date_gmt":"2015-02-19T10:40:21","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6411"},"modified":"2015-02-19T10:40:21","modified_gmt":"2015-02-19T10:40:21","slug":"nuxurka-khudbad-gudoomiye-cirro-ku-soo-bandhigay-mawqifka-doorashooyinka-ee-xisbiga-waddani","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/19\/nuxurka-khudbad-gudoomiye-cirro-ku-soo-bandhigay-mawqifka-doorashooyinka-ee-xisbiga-waddani\/","title":{"rendered":"Nuxurka Khudbad Gudoomiye Cirro Ku Soo Bandhigay Mawqifka Doorashooyinka Ee Xisbiga Waddani"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/67b21ddf4a72307af486584091c129f5_L.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6415\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/67b21ddf4a72307af486584091c129f5_L-300x225.jpg?resize=300%2C225\" alt=\"67b21ddf4a72307af486584091c129f5_L\" width=\"300\" height=\"225\" \/><\/a><\/p>\n<p>Hargeysa(AN)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saaka munaasibad lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Mawqifka Xisbigiisa Waddani ee doorashooyinka ku muddaysan inay qabsoomaan 26-ka June 2015, waxaanu sheegay inaan Xukumaddu sii shaqayn doonin 26 kadib haddii ay ku guul darraysato Doorashada.<\/p>\n<p>Waxa uu Komishanka doorashada iyo daneeyeyaasha Doorashada ugu baaqay inaan Marnaba laga leexin Marinka doorashooyinka ee ah in 26-ka June dalka doorasho laga qabto. Waxaanu sheegay in dib u dhac kasta oo doorashada ku yimaada lagala xisaabtami doono Xukumadda.<\/p>\n<p>Mudane Cirro waxa uu sheegay in Xukumaddu si badheedh ah u curyaamisay tabaabushaha doorashada \u201cWaxaanu caddaynaynaa inaan dib u dhac kasta oo doorashada ku yimaadaa ahayn arrimo farsamo balse ay tahay Siyaasad ula kac ah oo Madaxweynaha iyo Xukumaddiisu ku kaceen\u201d ayuu yidhi Gudoomiye CIrro.<\/p>\n<p>Gudoomiye Cirro waxa uu Guurtida uga digay muddo kordhin Qayral Sharci ah \u201cWaxaanu Golaha Guurtida uga digaynaa inay sameeyaan Muddo kordhin aan sharci ahayn oo lagu asturayo Xukumad iyo Gole hawlahoodii qabsan kari waayay\u201d Ayuu yidhi Mudane Cirro.<\/p>\n<p>Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in Xisbiga Waddani soo jeedinayo in haddii doorashadu dib u dhacdo la kala diro Golaha wakiilada iyo Golaha Xukumadda \u201cXisbiga Waddani, waxa uu soo jeedinayaa in Golaha wakiilad iyo Xukumaddaba la kala diro haddii Xukumaddu ku guuldaraysato qabashada doorashada 26 june 2015.\u201d Ayuu yidhi Mudane Cirro.<\/p>\n<p>Mudane Cirro, waxa uu sheegay in Iscasilaadiisu ku xidhan tahay marka Madaxweynuhu digreeto ku cayimo wakhtiga doorashada la qabanayo.<\/p>\n<p>Waxa uu ku baaqay in la joojiyo wada hadalada Somalia iyo Somaliland, waxaanu dhaliilay siyaasadda Xukumaddu ku Iibisay Hantida Umadda sida warshadaha Laydhka Hargeysa,Berbera iyo Dekedda Berbera.<\/p>\n<p>Warka oo faahfaahsan la soco goor dhaw<br \/>\n<!--EndFragm--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saaka munaasibad lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Mawqifka Xisbigiisa Waddani ee doorashooyinka ku muddaysan inay qabsoomaan 26-ka June 2015, waxaanu sheegay inaan Xukumaddu sii shaqayn doonin 26 kadib haddii ay ku guul darraysato Doorashada. Waxa uu Komishanka doorashada iyo daneeyeyaasha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6415,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6411","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Fp","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6411","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6411"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6411\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6411"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6411"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6411"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}