{"id":64097,"date":"2021-06-13T17:18:58","date_gmt":"2021-06-13T17:18:58","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64097"},"modified":"2021-06-13T17:41:26","modified_gmt":"2021-06-13T17:41:26","slug":"maayer-soltelco-oo-doorashada-kahor-hankiisi-ka-tanaasulay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/06\/13\/maayer-soltelco-oo-doorashada-kahor-hankiisi-ka-tanaasulay\/","title":{"rendered":"Maayer Soltelco Oo Doorashada Kahor Hankiisi Ka Tanaasulay"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(Arabsiyonews):-Maayarkii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu Maayarnimada Hargeysa uga tanaasulay Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo ahaa Musharraxii ugu codka badnaa xubnihii u tartamay Golaha deegaanka Hargeysa.<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Soltelko oo 8-dii sanadood ee u dambeeyay ahaa Maayarka Hargeysa, isla-markaana ku soo baxay doorashadii dalka ka dhacday 31-ka bishii hore ee May ee sannadkan 2021, ayaa Shir-jaraa\u2019id oo uu Maanta ku qabtay Hargeysa, ku shaaciyey inuu hankiisii ahaa inuu mar labaad u tartamo Maayarnimada Hargeysa uga tanaasulay Cabdikariin Axmed Mooge, ka dib markii sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey inuu Go\u2019aankan qaato.<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, waxa kale oo uu sheegay inaan wax colaad ahi ka dhaxaynin Cabdikariin Axmed Mooge isla-markaana ay muddo-dheer ahaayeen Saaxiib, sidaasi darteed uu gartay inuu u tanaasulo, isaguna aanu ka tagayn Golaha deegaanka Caasimadda, balse uu noqon doono Odayga Golaha deegaanka, lana shaqaynayo Cabdikariin Axmed Mooge, haddii loo doorto Maayarka Caasimadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(Arabsiyonews):-Maayarkii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu Maayarnimada Hargeysa uga tanaasulay Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo ahaa Musharraxii ugu codka badnaa xubnihii u tartamay Golaha deegaanka Hargeysa. Cabdiraxmaan Soltelko oo 8-dii sanadood ee u dambeeyay ahaa Maayarka Hargeysa, isla-markaana ku soo baxay doorashadii dalka ka dhacday 31-ka bishii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":64099,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-64097","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/sddefault-22.jpg?fit=640%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gFP","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64097","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64097"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64097\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64101,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64097\/revisions\/64101"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64099"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64097"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64097"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64097"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}