{"id":64080,"date":"2021-06-12T19:10:13","date_gmt":"2021-06-12T19:10:13","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64080"},"modified":"2021-06-12T19:12:02","modified_gmt":"2021-06-12T19:12:02","slug":"warbaahinta-madaxa-bannaan-waxay-u-shaqeeyeen-si-waddaniyadeedhadday-tv-yo-yihiin-hadday-website-yo-yihiin-madaxweynaha-jsl","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/06\/12\/warbaahinta-madaxa-bannaan-waxay-u-shaqeeyeen-si-waddaniyadeedhadday-tv-yo-yihiin-hadday-website-yo-yihiin-madaxweynaha-jsl\/","title":{"rendered":"\u201cWarbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyeen si waddaniyadeed;hadday TV-yo yihiin, hadday Website-yo yihiin,.&#8221;Madaxweynaha JSL"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews): Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amaanay warbaahinta Somaliland kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-ka May 2021.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo uu uga mahad-celiyey sida hufnaanta leh ee ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka, waxa uu warbaahinta dalka gaar ahaan Mareegaha Wararka (Websites) iyo Telefishannada ku ammaanay doorkii ay qaateen wacyi-gelinta iyo baahinta wararka togan ee ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Dalka oo uu sheegay inay ka qaateen qayb laxaad leh oo wax-qabadkooda la dareemay.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"64081\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/06\/12\/warbaahinta-madaxa-bannaan-waxay-u-shaqeeyeen-si-waddaniyadeedhadday-tv-yo-yihiin-hadday-website-yo-yihiin-madaxweynaha-jsl\/snapshot_710\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?fit=1920%2C1080&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"1920,1080\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;0&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;0&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;0&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;0&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;0&quot;}\" data-image-title=\"Snapshot_710\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?fit=696%2C392&amp;ssl=1\" class=\"alignnone size-full wp-image-64081\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?resize=696%2C392&#038;ssl=1\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"392\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?w=1920&amp;ssl=1 1920w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?resize=300%2C169&amp;ssl=1 300w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?resize=1024%2C576&amp;ssl=1 1024w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?resize=768%2C432&amp;ssl=1 768w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?resize=1536%2C864&amp;ssl=1 1536w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?resize=696%2C392&amp;ssl=1 696w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?resize=1068%2C601&amp;ssl=1 1068w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?resize=747%2C420&amp;ssl=1 747w, https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?w=1392&amp;ssl=1 1392w\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n<p>\u201cWarbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyeen si waddaniyadeed; hadday TV-yo yihiin, hadday Website-yo yihiin, qof kasta waxbuu ka geystay wacyigelinta.Waa markii u horeysay ee wacyi-gelinteennu midowday, waa markii u horeysya ee loo wada adeegay sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, hadday tahay kuwii Qaranku hayey iyo kuwii gaarka loo lahaaba,\u201d Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Mareegaha Wararka ee ka hawl-gala Somaliland ayaa waxay ku midaysan yihiin Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland Online Media Association (SOMA), oo Guddiga Doorashooyinka Qaranka kala shaqeeyay gudbinta farriimaha wacyi-gelinta iyo wararka ku saabsan arrimaha Doorashooyinka oo ay si joogto ah u baahin jireen.<\/p>\n<p>Warbaahinta Onlineka ah (Websites-ka), waxa ay kaalin mug leh ugu jiraan horumarinta Dhaqan-dhaqaale, Dimuqraadiyadeed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin wejiga muraayadeed ee dunidda ka dheehato xaaladaha kala duwan ee gudaha Somaliland ka jira. #Hayaannews<\/p>\n<p>Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku ammaanay qaabka ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka iska Sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakilllada, waxaanu si gaar ah ugu ammaanay inay hirgeliyeen nidaam ku cusub hannaanka qabsoomidda doorashooyinka dalka oo aan hore u jirin, kaas oo uu ku tilmaamay inuu meesha ka saaray cabashooyin iyo tuhunno ku yimaadda natiijada doorashooyinka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey hawl-wadeennadii loo xil-saaray hawsha doorashooyinka oo badankooda laga soo dhex-xushay Ardayda Jaamacadaha dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay muujiyeen hufnaan iyo karti ay ku guteen hawsha qaran ee loo xil-saaray.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/somaorgonline\">https:\/\/www.facebook.com\/somaorgonline<\/a><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/twitter.com\/Somaorgonline\">https:\/\/twitter.com\/Somaorgonline<\/a><\/p>\n<p>Email: <a href=\"mailto:somajournalism@gmail.com\">somajournalism@gmail.com<\/a><\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews): Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amaanay warbaahinta Somaliland kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-ka May 2021. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo uu uga mahad-celiyey sida hufnaanta leh ee ay u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":64081,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-64080","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/Snapshot_710.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gFy","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64080","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64080"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64080\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64083,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64080\/revisions\/64083"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64081"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64080"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64080"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64080"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}