{"id":64030,"date":"2021-06-08T17:23:23","date_gmt":"2021-06-08T17:23:23","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64030"},"modified":"2021-06-08T17:23:23","modified_gmt":"2021-06-08T17:23:23","slug":"waddamada-reer-yurub-oo-warbixin-kasoo-saaray-doorashooyinkii-ka-qabsoomay-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/06\/08\/waddamada-reer-yurub-oo-warbixin-kasoo-saaray-doorashooyinkii-ka-qabsoomay-somaliland\/","title":{"rendered":"Waddamada reer Yurub oo warbixin kasoo saaray doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Waddamada reer Yurub, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka, xukuumada, koomiishanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasada, sidi guusha lahayd ee ay u qabteen doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka.<\/p>\n<p>Warbixin ay soo saareen waddamadani ayaa lagu yidhi \u201cintii lagu guda jiray doorashooyinka, shacabka Somaliland waxay muujiyeen balan qaad adag oo ku wajahan nidaamka doorashada, ka qayb galka siyaasada iyo sii xoojinta dimuquradiyada\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWaxanu si gaara usoo dhawaynaynaa guushii taariikhiga ahayd ee beelaha lahayb sooca ay ka gaadheen doorashadii wakiilada iyo dhalinyarada faraha badan leh ee kusoo baxday doorashada\u201d.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa lagaga hadlay haweenkii musharixiinta ahaa, waxana lagu sheegay in haweenkii ay dadal sameeyeen oo ay guulo gaadheen lakin taa macnahedu aanu ahayn in dumar badani soo baxeen.<\/p>\n<p>\u201cWaanu aqoonsanahay guulihi muhiimka aha ee ay gaadheen haweenka musharixiinta ahi, lakin waxanu aad uga xunahay in aan arrinta loo turjuman karin in dumar badan la doortay\u201d ayaa lagu yidhi warbixinta.<\/p>\n<p>Waddamadan ayaa ku booriyay dhamaan cida ay khusayso in ay doorashadan cashar ka bartaan isla markaana ay doorashooyinka mustaqbalka u diyaar garooba sidi ay usoo saari lahayeen haween badan.<\/p>\n<p>\u201cWaxa muhiim ah in dhamaan dhinacyada ay khusaysa ay arrintan wax ka bartaan, dhamaan dowlada, xisbiyada iyo cidii kaleba in ay qaadan talaboyin ay ku xoojinayan ka qayb galka dumarka ee siyaasada ka hor doorashooyinka soo socda\u201d ayaa lagu yidhi warbixinta.<\/p>\n<p>Waddamada ku midoobay warbixintan ayaa sheegay in ay ka go\u2019an tahay in ay lasii shaqeeyaan Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cWaxa naga go\u2019an in aanu sii wadno wada shaqayn tayadii wax dhiska ahayd, si loo horumariyo nidaamka dimuquraadiyaynta iyo ka qayb galka beelaha lahayb sooco iyo dumarka ee siyaasada\u201d ayaa lagu yidhi warbixinta.<\/p>\n<p>\u201cWaxanu taageeraynaa doorashooyin wakhtigooda ku dhaca, waaxanu la shaqayn doona mudanayaasha cusub ee lasoo doortay iyo qadiyadaha kale ee danaha labada dhinac\u201d ayay warbixintu ku dartay.<\/p>\n<p>Warbixintan waxa ku saxeexan, Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, iyo Boqortooyada Ingiriiska.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waddamada reer Yurub, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka, xukuumada, koomiishanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasada, sidi guusha lahayd ee ay u qabteen doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka. Warbixin ay soo saareen waddamadani ayaa lagu yidhi \u201cintii lagu guda jiray doorashooyinka, shacabka Somaliland waxay muujiyeen balan qaad adag oo ku wajahan nidaamka doorashada, ka qayb galka siyaasada iyo sii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":64031,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-64030","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/06\/202168637587371647964236.jpg?fit=660%2C441&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gEK","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64030","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64030"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64030\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64033,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64030\/revisions\/64033"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/64031"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64030"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64030"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64030"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}