{"id":64002,"date":"2021-06-07T15:42:33","date_gmt":"2021-06-07T15:42:33","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=64002"},"modified":"2021-06-07T15:44:18","modified_gmt":"2021-06-07T15:44:18","slug":"xisbiga-kulmiye-oo-sharci-daro-ku-tilmaamay-isbahaysiga-mucaaradka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/06\/07\/xisbiga-kulmiye-oo-sharci-daro-ku-tilmaamay-isbahaysiga-mucaaradka\/","title":{"rendered":"Xisbiga Kulmiye oo sharci daro ku tilmaamay isbahaysiga mucaaradka"},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siinayay BBC Somali, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay afduubayaan xoriyada mudanayaasha lasoo doortay.<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<div class=\"inline-ad\">\n<div><\/div>\n<div id=\"1412x300x250x278x_ADSLOT567\">Buuni ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay ka leexdeen hab raaca uu sheegayo sharciga doorashooyinku.<\/div>\n<\/div>\n<p>\u201cWaxanu jecel nahay in hab iyo hanaankii qanuunku dhigayay ay maraan, oo ah in natiijada hordhaca ah marka hore lagu dhawaaqo, in cidi cabasho qabta ay maxkamada sare u gudbiso, hadii ay u gudbin waydana natiijada rasmiga ah ay maxkamada sare ku dhawaaqdo\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>\u201cKadibna waxa la dhaarinayaa mudanayasha usoo baxay golaha wakiilada, fadhiga u horeeya madaxweynaha ayaa qudbad ka jeedinaya, kadibna mudanayaasha ayaa xildhibaanka ugu da\u2019da wayn iska dooranaya, oo gaadhsiinaya shirgudoonka\u201d.<\/p>\n<p>\u201cMarka hab ka ayuun baanu u aragnaa in UCID iyo Waddani ay ka leexdeen, isla markaana ay faragalin ku sameeyeen habka noocaasa ee qaanuunka dalku jidaynayo\u201d ayuu hadalkiisa sii raaciyay.<\/p>\n<p>Buuni ayaa sheegay in loobahanyahay in axsaabta mucaaradku anay faragalin golaha inta laga dooranayo shirgudoon.<\/p>\n<p>\u201cWaxanu jecel nahay sidii markii horeba aanu u wada soconay ee aanaan u faro galin, doorashada socodkeedi, ku dhawaaqisteedi, in aan maantana loo faro galin inta mudanayaasha lasoo doortay ay dooranayaan shirgudoon\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Buuni ayaa sheegay in isbahaysiga axsaabta mucaaradku uu ka dhiganyahay in mudanayaashi lasoo doortay xoriyadoodii la qaatay.<\/p>\n<p>\u201cMudanihi lasoo doortay ee ku yimiday rabitaankii shacbiga ayaa awoodiisi la qaday, oo xisbiyo ku heshiiyeen\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Hadalka afhayeen Buuni aya ka hor imanaya hadal uu shalay jeediyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbgiga Kulmiye Axmed Cabdi dheere, oo isbahaysiga mucaaradka ku tilmamay xaq dastuuri ah.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div align=\"justify\">Hargaysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siinayay BBC Somali, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay afduubayaan xoriyada mudanayaasha lasoo doortay. Buuni ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay ka leexdeen hab raaca uu sheegayo sharciga doorashooyinku. \u201cWaxanu jecel nahay in hab iyo hanaankii qanuunku dhigayay ay maraan, oo ah in natiijada hordhaca ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":34014,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-64002","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/05\/kulmi.jpg?fit=800%2C395&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gEi","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64002","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=64002"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64002\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":64005,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/64002\/revisions\/64005"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/34014"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=64002"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=64002"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=64002"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}