{"id":63793,"date":"2021-05-26T16:06:34","date_gmt":"2021-05-26T16:06:34","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63793"},"modified":"2021-05-26T16:06:34","modified_gmt":"2021-05-26T16:06:34","slug":"madaxweynaha-jsl-oo-tacsi-udiray-allaha-unaxariistee-sooraan-oo-ku-geeriyooday-burco","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/05\/26\/madaxweynaha-jsl-oo-tacsi-udiray-allaha-unaxariistee-sooraan-oo-ku-geeriyooday-burco\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JSL Oo Tacsi Udiray Allaha Unaxariistee Sooraan Oo Ku Geeriyooday Burco"},"content":{"rendered":"<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26\/05\/2021 magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Abwaan sugaan yahan ah oo wakhtigiisa ugu badan u huray dalkiisa iyo dadkiisa, geliyeyna juhdi iyo dedaal dheeriya, marwalbana ugu hoga-tusaalayn jiray hadba wacyiga jira oo uu ku wacyigelin jiray bulshada inay ka dheeraato wixii wax u dhimaya diinta iyo dhaqankeena suubban.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">ALLAA MAHAD LEH<\/div>\n<div dir=\"auto\">Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda fanka iyo suugaanta, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga meel ay joogaanba, ee uu ka baxay Alle ha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63794,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-63793","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ta.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gAV","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63793","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63793"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63793\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63795,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63793\/revisions\/63795"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63794"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63793"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63793"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63793"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}