{"id":63777,"date":"2021-05-25T16:10:47","date_gmt":"2021-05-25T16:10:47","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63777"},"modified":"2021-05-25T16:10:47","modified_gmt":"2021-05-25T16:10:47","slug":"ururka-warbaahinta-online-ka-somaliland-ee-soma-fariina-u-diray-suxufiyiinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/05\/25\/ururka-warbaahinta-online-ka-somaliland-ee-soma-fariina-u-diray-suxufiyiinta\/","title":{"rendered":"Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee\u00a0 (SOMA) Fariina U Diray Suxufiyiinta"},"content":{"rendered":"<p>Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee\u00a0 (SOMA) waxa uu ugu baaqayaa Suxufiyiinta ka hawlgala hay\u2019addaha warbaahinta Online-ka ee gudo iyo dibad-ba, inay ilaaliyaan anshaxa warbaahineed, isla markaana si taxadir leh u hubiyaan wararka iyo xoggaha ay baahiyaan Website-yadoodu.<\/p>\n<p>Sidaa waxa lagu Sheegay Warsaxafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Warbaahinta Online-ka Somaliland ee SOMA Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe-Janaale)<\/p>\n<p>Annagoo og xiligan xaasaasiga ah ee qaranka Somaliland u talaabsanayo qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31-Ka May 2021, In aannay warbaahintu ku dhex milmin Ololaha Axsaabta qaranka (UCID, WADDANI iyo KULMIYE) iyo murashixiinta oo ay dhex u noqdaan, isla markaana laga fogaado waxyaabaha kutiri-ku-teenka ee lagu baahiyo\u00a0<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/\">FACEBOOK<\/a>-ga oo aan lahayn wax-tix-raaca iyo cid masuuliyadeeda loogu hagaago.<\/p>\n<p>Ururka Warbaahinta Online-ka ee SOMA, isaga oo yaqiinsan doorka warbaahinta Online-ku kaga jiraan geedi socodka dimuqraadiyadda, dhismaha, iyo iib-geynta qaddiyada Somaliland, isla markaana hay\u2019addaha Warbaahinta Online-ka ahi yihiin tix-raaca ugu muhiimsan ee duniddu ka daalacato dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca Somaliland.<\/p>\n<p>Sidaa awgeed,waxaan ku boorinaynaa Weriyayaasha ka hawlgala hay\u2019addaha warbaahinta Online-ka Somaliland gudo iyo dibad-ba inay yiqiinsadaan in waxyaabaha ay qorayaan ay noqonayaan taariikhda beri iyo tixraaca sawiraya muuqaalka Somaliland.<\/p>\n<p>Ololaha Doorashooyinka Somaliland waxa looga baahan yahay inuu ka muuqdo bisayl iyo waayo-aragnimo siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed, maadaama oo aynu hore uga soo gudubnay lix doorasho oo si xor iyo xalaal ah uga qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waa in aynu maanka ku haynaa kaalinta aynu leenahay ee warbaahineed iyo waajibaadka inaga saaran Qaranimada, isla markaana aynu qaadano doorkeena aynu haabeen iyo maalin u taaganahay \u00a0sidii ay Somaliland uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Wakiillada iyo golayaasha deegaanada oo natiijadeedu noqoto mid qarankan wax u tarta ee aan waxba u dhimin\u201d.ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka SOMA.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee\u00a0 (SOMA) waxa uu ugu baaqayaa Suxufiyiinta ka hawlgala hay\u2019addaha warbaahinta Online-ka ee gudo iyo dibad-ba, inay ilaaliyaan anshaxa warbaahineed, isla markaana si taxadir leh u hubiyaan wararka iyo xoggaha ay baahiyaan Website-yadoodu. Sidaa waxa lagu Sheegay Warsaxafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Warbaahinta Online-ka Somaliland ee SOMA Mustafe Abdi Mohamed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62948,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[3,10,2],"tags":[],"class_list":["post-63777","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-arimaha-bulshada","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/SOMA-5555.jpg?fit=513%2C190&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gAF","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63777","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63777"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63777\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63779,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63777\/revisions\/63779"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62948"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63777"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63777"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63777"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}