{"id":63728,"date":"2021-05-22T20:20:53","date_gmt":"2021-05-22T20:20:53","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63728"},"modified":"2021-05-22T20:21:25","modified_gmt":"2021-05-22T20:21:25","slug":"waan-hubaa-in-hargaysi-u-hiilin-doonto-cagafta-cunsuriyada-baabiinaysabarkhad-jaamac-batuun","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/05\/22\/waan-hubaa-in-hargaysi-u-hiilin-doonto-cagafta-cunsuriyada-baabiinaysabarkhad-jaamac-batuun\/","title":{"rendered":"\u201cWaan hubaa in Hargaysi u hiilin doonto cagafta cunsuriyada baabi\u2019inaysa\u201dBarkhad Jaamac Batuun"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(Arabsiyonews):-Afhayeenka xisbiga WADDANI ahna musharax u tagan doorashada golaha wakiillada Barkhad Jamac Batuun, ayaa sheegay in doorashadiisu ay sababi doonto cadaalad iyo sinaan ay hesho dhamaan umada Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cIn aan xubin ka noqdo Baarlamaanka Somaliland, oo xil ummadeed qaado 31 MAY 2021ka, haddii Alle Idmo, waxa ay meesha ka saari doontaa magacyo badan oo muddo dheer maskaxdeenna haystay, micno badanna laheyn, marka aynu maqalnana muraaradillaac dhexdeenna ah abuurayey sida: Midgaan, la hayb-sooco, laga tiro badanyahay, la yaso, dulman IWM. Waxa ay abuuri doonta Somaliland walaalo lagu yahay sarreynta sharciga, sinnaanta muwaaddiniinta, calanka iyo ciidda oo cid kastaba ilaashato, caddaalad abuuranta, ictiraaf yimaadda, cudduddeena oo midoowda, Sawirka siyaasaddeed ee Somalilandna sumcad weyn ayey u keeni doona.<\/p>\n<p>Waan hubaa Ilaahay idamkii in Hargeysi u hiilin doonto cagafta cunsuriyadda baabi\u2019inaysa ee jeexaysa jidka caddaaladda, Insha Allah. Aniguna aan noqon-doono ninka ugu codka badan Gobolka Maroodi-jeex Idimka Alle, u dhaqaajin mayne fulaha dhoosha ka adkeysta!\u201d ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(Arabsiyonews):-Afhayeenka xisbiga WADDANI ahna musharax u tagan doorashada golaha wakiillada Barkhad Jamac Batuun, ayaa sheegay in doorashadiisu ay sababi doonto cadaalad iyo sinaan ay hesho dhamaan umada Somaliland. \u201cIn aan xubin ka noqdo Baarlamaanka Somaliland, oo xil ummadeed qaado 31 MAY 2021ka, haddii Alle Idmo, waxa ay meesha ka saari doontaa magacyo badan oo muddo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63729,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-63728","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/2021522637572585130940340.jpg?fit=660%2C409&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gzS","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63728","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63728"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63728\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63730,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63728\/revisions\/63730"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63729"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63728"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63728"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63728"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}