{"id":63541,"date":"2021-05-04T19:18:47","date_gmt":"2021-05-04T19:18:47","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63541"},"modified":"2021-05-04T19:18:47","modified_gmt":"2021-05-04T19:18:47","slug":"warbaahin-carbeed-oo-runta-ka-sheegtay-arrinta-somaliland-iyo-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/05\/04\/warbaahin-carbeed-oo-runta-ka-sheegtay-arrinta-somaliland-iyo-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Warbaahin Carbeed Oo Runta Ka Sheegtay Arrinta Somaliland Iyo Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211;\u00a0 Warbaahinta The New Arab oo wax ka qorta Arrimaha bariga dhexe iyo Afrika, ayaa War-bixin dheer ka qortay Arrimo la xidhiidha Xaaladda runta ah ee dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>The New Arab, oo War-bixinteeda baahisay Sabtidii Shalay ayaa sheegtay in Dalka Soomaaliya uu u qaybsan yahay Maamul-gobolleedyo hoos taga Dawladda Federaalka ah, balse wuxuu sheegay in aanay Maamulladaasi awood ahaan u sinnayn oo ay kala awood badan yihiin, dhaqaale ahaan iyo nidaam ahaanba.<\/p>\n<p>Warbaahintu waxay sheegtay in Maamullada Puntland iyo Jubbaland yihiin kuwa ugu awoodda badan Maamullada Soomaaliya ka jira, Tusaale ahaana Puntland oo ku taalla Waqooyi-bari dalka Soomaaliya oo dhisnayd tobanaan sanadood waxay leedahay waxyaabo muhiim u ah, sida Deked uu ka soo galo dhaqaale iyo awood aanay Dawladda dhexe ee Muqdisho fadhidaa saamayn ugu yeelan karin arrimaheeda gaarka ah.<\/p>\n<p>Jubbaland oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya, ayay The New Arab sheegtay inay tahay Maamul haysta ilo-dhaqaale oo ah Dhul beereed iyo Deked, sidoo kalena taageero ka hesho Dawladda Kenya oo ay jaar yihiin.<\/p>\n<p>Warbaahintu waxa kale oo ay sheegtay in saddexda kale ee Maamul-gobolleed ee Soomaaliya ka dhisan oo kala ah Gal-mudug, Hirshabeele iyo Koonfur-galbeed ay yihiin kuwa ugu Faqiirsan, siyaasad ahaana aan ka Madax-banaanayn Dawladda dhexe ee Xarunteedu tahay Muqdisho, Madaxda Maamulladaa Hagaana ay xulafo la yihiin Madaxda sare ee Muqdisho fadhida.<\/p>\n<p>War-bixintan oo sidoo kale lagu soo hadal-qaaday Qaab-dhismeedka Qabaa&#8217;ilka ku salaysan ee Siyaasadda Soomaaliya lagu jaan-gooyo, ayuu The New Arab ku soo hadal-qaaday Somaliland.<\/p>\n<p>The New Arab waxay sheegtay in Somaliland ay Madax-banaanideeda Soomaaliya kala soo noqotay 1991-kii, laakiin Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho fadhidaa u aragto inay tahay Maamul lixaad oo ay xukumaan, balse xaqiiqadu aanay sidaasi ahayn oo ay aad uga duwan tahay.<\/p>\n<p>The New Arab, waxay sheegtay in inkasta oo Somaliland aan dunidu u aqoonsanayn Dawlad Madax-banaan, haddana Soomaaliya aanay inyar oo ka mid ah dhulka Somaliland awood maamul ku lahayn, oo ay si gaar ah hawlaheeda u wadato.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) &#8211;\u00a0 Warbaahinta The New Arab oo wax ka qorta Arrimaha bariga dhexe iyo Afrika, ayaa War-bixin dheer ka qortay Arrimo la xidhiidha Xaaladda runta ah ee dalka Soomaaliya. The New Arab, oo War-bixinteeda baahisay Sabtidii Shalay ayaa sheegtay in Dalka Soomaaliya uu u qaybsan yahay Maamul-gobolleedyo hoos taga Dawladda Federaalka ah, balse wuxuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63543,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-63541","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/sddefault-7.jpg?fit=640%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gwR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63541","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63541"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63541\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63542,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63541\/revisions\/63542"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63543"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63541"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63541"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63541"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}