{"id":63459,"date":"2021-04-28T13:52:24","date_gmt":"2021-04-28T13:52:24","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63459"},"modified":"2021-04-28T13:52:24","modified_gmt":"2021-04-28T13:52:24","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-fariin-u-diray-shacabka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/04\/28\/madaxweynaha-somaliland-oo-fariin-u-diray-shacabka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland oo Fariin u diray Shacabka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Berbera-(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa si waafi ah uga hadlay qalalaasaha iyo fadqalallada ka taagan dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Xamar.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan iyo qaran ahaanba ka damqanayaan dhibaatada iyo qaxa ay dawladda Xamar ka dhisani u geysatay shacabka Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay is hayaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha diiddan qarannimada Somaliland, waxana uu yidhi, \u201cDawladdaas Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa.\u201d<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wato, waxa uu intaas ku daray \u201cMaanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.\u201d<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Shacabka ku dhaqan Soomaaliya, ayuu madaxweynuhu farriin u diray, waxana uu sheegay in dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen ay Jamhuuriyadda Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba u dulqaadanaysay, \u201cShacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey, shicib ahaanna waxan idiin sheegayaa inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,\u201d ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\">Arabsiyonews.com<\/div>\n<div dir=\"auto\">Hargeysa Office<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Berbera-(Arabsiyonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa si waafi ah uga hadlay qalalaasaha iyo fadqalallada ka taagan dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Xamar. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan iyo qaran ahaanba ka damqanayaan dhibaatada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63460,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-63459","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/muusee.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gvx","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63459","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63459"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63459\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63461,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63459\/revisions\/63461"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63460"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63459"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63459"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63459"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}