{"id":63437,"date":"2021-04-27T20:38:37","date_gmt":"2021-04-27T20:38:37","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63437"},"modified":"2021-04-27T20:45:03","modified_gmt":"2021-04-27T20:45:03","slug":"allay-lehe-derbaa-dumayaqoonyahan-siyaasi-waayeel-cabdiraxmaan-maal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/04\/27\/allay-lehe-derbaa-dumayaqoonyahan-siyaasi-waayeel-cabdiraxmaan-maal\/","title":{"rendered":"Allay lehe derbaa dumay:Aqoonyahan, siyaasi, waayeel Cabdiraxmaan Maal."},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews)-Allah haw naxariiste waxa magaalada Delhi ee \u00a0dalka India ku geeriyooday Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha, Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo ka mid ahaa tiraarka dhismaha Aqoonta iyo tacliinta Somaliland ku taagantahay.<\/p>\n<div id=\"attachment_53247\" class=\"wp-caption alignnone\">\n<p id=\"caption-attachment-53247\" class=\"wp-caption-text\"><em>Waxa Geeriyooday Hoggaamiye Sharaf Badan: Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha Cabdiraxmaan Maxamed Maal, Image File Araweelo News Network.<\/em><\/p>\n<\/div>\n<p>Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa dalka India u tegey xaalad caafimaad, waxaana la filayay soo laabashadiisa isagoo nabad qaba, waxaase dhacay qadar Allah, waxa lasoo sheegay geeridiisa naxdinta badan maanta oo ka mid ah maalmaha khayrka badan ee Bisha barakaysan ee Ramaadaan oo ku beegan 26 April 2021<\/p>\n<p>Allah haw naxariistee Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Maal, wuxuu xilal kasoo qabtay xukuumaddii Somaliland, isagoo qayb weyn ku lahaa ilaa xilligan horumarka waxbrashadda iyo tacliinta Somaliland oo aasaaskeeda uu ka mid ahaa dadkii naftooda u huray ee soo gaadhsiiyay in dalku yeesho maanta Jaamacadda ay Jiilal badan durba ka aflaxeen.<\/p>\n<p>Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal, wuxuu ahaa nin sharaf badan, Cibaado, aqoon iyo akhlaaq lagu majeerto oo naxariis badan, waxayna ahaayeen dabaeecadihiisa iyo astaamaha uu lahaa kuwa ka dhigay inuu naftiisa u huro waxbarashadda iyo tacliinta Somaliland.<\/p>\n<p>Geeridiisa ayaa si weyn loo dareemay waana hubaan in laga tebi doono degeladda waxbarashadda iyo Aqoonta, wuxuuna sannadii u danbeeyay juhdi badan geliyay Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Alpha University oo xilligan ka mid ah jaamacaddaha ugu cad-cad geyiga Somaliland.<\/p>\n<p>Prof. Xasan Maxamed Jaamac (xasan xiis) oo ka mid ah aqoonyahanka iyo haldoorka Somaliland, wuxuu ka mid ahaa boqolaal qof oo baraha Bulshada kaga dareen celiyay geerida xaqa ah ee ku timi Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Maal, guddoomiyihii Jaamacadda Alpha, wuxuna Prof, Xasan Xiis oo ku tilmaamay derbi dumaay, isagoo ka deareen celinaya geeridaa, \u201c<span class=\"d2edcug0 hpfvmrgz qv66sw1b c1et5uql lr9zc1uh a8c37x1j keod5gw0 nxhoafnm aigsh9s9 d3f4x2em fe6kdd0r mau55g9w c8b282yb iv3no6db jq4qci2q a3bd9o3v knj5qynh oo9gr5id\" dir=\"auto\" lang=\"so_SO\">Naxariis iyo nabaadiino Eebe ayaan Ilaahay uga rajaynayaa aqoonyahan, siyaasi, waayeel Cabdiraxmaan Maal. Allay lehe derbaa dumay. Allah ha u naxariisto. Aamiin.ayuu ku yidhi, bartiisa<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/hassan.heiss1?comment_id=Y29tbWVudDo1MjcwNDQwNzU2MzYzNzQ4XzUyNzA3NTM3ODYzMzI0NDU%3D\">\u00a0facebook.<\/a><\/span><\/p>\n<p>Allah haw naxariistee, wuxuu ifka kaga tegey tacab badan oo uu geliyay bulshadiisa, isagoo ahaa Aabo laba xaas lahaa, kuwaas oo xilligan ah qoyays ballaadhan oo dhisan, waxaynu geeridiisa ka tacsiyaynaynaa Qoyska reer Maal, Eheladii Qaraabadii, Asxaabtii iyo bahda waxbarashadda Somaliland guud ahaan gaar ahaana Jaamacadda Alpha geerida ku timi Guddoomiyihoodii Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Maal, waxaana Allah uga baryaynaa inuu naxariistiisa ugu deeqo oo janatu fardawsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo iimaan saadiqa inaga siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u0627\u0644\u0644\u0647\u0645 \u0627\u0631\u062d\u0645\u0647 \u0648 \u0627\u063a\u0641\u0631 \u0644\u0647 \u0648 \u0627\u0639\u0641 \u0639\u0646\u0647 \u0648\u0627 \u0646\u0631 \u0642\u0628\u0631\u0647 \u0648 \u0627\u0646\u0633 \u0648\u062d\u0634\u062a\u0647 \u0648 \u0627\u062c\u0645\u0639\u0646 \u0628\u0647 \u0628\u062c\u0646\u0627\u062a \u0627\u0644\u0646\u0639\u064a\u0645. \u2026 \u0627\u0644\u0644\u0647\u0645 \u0627\u0631\u062d\u0645 \u0645\u0646 \u0633\u0628\u0642\u0646\u0627 \u0625\u0644\u064a\u0643 \u0623\u0646\u0631 \u0627\u0644\u0644\u0647\u0645 \u0642\u0628\u0648\u0631\u0647\u0645 \u0648\u0627\u0646\u0633 \u0648\u062d\u0634\u062a\u0647\u0645 \u0648\u0627\u0631\u062d\u0645 \u0636\u0639\u0641\u0647\u0645 \u0648\u062a\u062c\u0627\u0648\u0632 \u0639\u0646\u0647\u0645 \u0648\u0627\u062c\u0639\u0644 \u0627\u0644\u062c\u0646\u0629 \u062f\u0627\u0631\u0647\u0645 \u0648\u0642\u0631\u0627\u0631\u0647\u0645 \u0628\u0641\u0636\u0644 \u0623\u064a\u0627\u0645\u0643 \u0627\u0644\u0645\u0628\u0627\u0631\u0643\u0629 \u0645\u0646 \u0634\u0647\u0631 \u0631\u0645\u0636\u0627\u0646.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews)-Allah haw naxariiste waxa magaalada Delhi ee \u00a0dalka India ku geeriyooday Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha, Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo ka mid ahaa tiraarka dhismaha Aqoonta iyo tacliinta Somaliland ku taagantahay. Waxa Geeriyooday Hoggaamiye Sharaf Badan: Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha Cabdiraxmaan Maxamed Maal, Image File Araweelo News Network. Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa dalka India u tegey xaalad caafimaad, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63441,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[3,10,2],"tags":[],"class_list":["post-63437","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-arimaha-bulshada","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/maaaal.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gvb","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63437","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63437"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63437\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63443,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63437\/revisions\/63443"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63441"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63437"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63437"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63437"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}