{"id":63387,"date":"2021-04-24T21:02:11","date_gmt":"2021-04-24T21:02:11","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63387"},"modified":"2021-04-24T21:22:38","modified_gmt":"2021-04-24T21:22:38","slug":"itoobiya-oo-aaminsan-in-masar-doonayso-inay-ka-xanibto-isticmaalka-dekedaha-somaliland-jabuuti-iyo-eritera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/04\/24\/itoobiya-oo-aaminsan-in-masar-doonayso-inay-ka-xanibto-isticmaalka-dekedaha-somaliland-jabuuti-iyo-eritera\/","title":{"rendered":"Itoobiya Oo Aaminsan In Masar Doonayso Inay Ka Xanibto Isticmaalka Dekedaha Somaliland, Jabuuti Iyo Eritera"},"content":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews) &#8211; Dagaalka siyaasadeed ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar isla-markaana Salka ku haya biyo-xidheenka Itoobiya ka dul-dhistay Webiga Niil, ayaa Maalinba weji cusub u gudbaya.<\/p>\n<p>Bilihii u dambeeyay oo dhan waxa lagu guul-daraystay inay wada-hadlaan oo ay heshiis gaadhaan Dawladaha Suudaan, Itoobiya iyo Masar oo ka wada faa&#8217;idaysta Biyaha Webiga Niil, maaddaama oo uu khilaaf xooggani si gaar ah uga dhexeeya Masar oo Dadkeenu 90% biyaha ka helaan Webiga Niil iyo Itoobiya oo Webigaasi ka dul-dhistay biyo-xidheen ay ku baxday Adduun Lacageed oo ka badan 4 Bilyan oo dollar, si ay mustaqbalka uga dhaliso Tamarta Laydhka.<\/p>\n<p>Sababta ugu weyn ee heshiis loo gaadhi la&#8217;yahay, ayaa Warbaahinta dunidu waxay ku sheegtaa Itoobiya oo ka dhego-adaygaysa inay joojiso Biyo-xidheenka ama ugu yaraan dib u dhigto buuxintiisa oo laga cabsi qabo inay yarayso qulqulka biyaha gaadha Masar, taasi oo Masarna meel adag ka taagan tahay.<\/p>\n<p>Laakiin, Aqoonyahannada Itoobiya oo arrintan isha ku haya, ayaa qaarkood waxay sheegayaan in Masar ay sii xoojisay dagaal ay sheegeen inuu weligeedba ka dhexeeyay Itoobiya.<\/p>\n<p>Obang metho oo ah Madaxa Urur lagu Magacaabo &#8216;Dhaqdhaqaaqa Midnimada&#8217; oo xaruntiisu tahay Addis Ababa, ayaa maqaal dheer oo uu ku baahiyey Internet-ka, wuxuu ku sheegay in Masar beddeshay dagaalkeeda ka dhanka ah Itoobiya, isla-markaana ay dagaalkii ka dhigtay mid dadban, si ay u waxyeelayso Amniga gudaha ee Itoobiya iyo dhaqaalaheeda.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay, in Masar doonayso inay xidho Marinada Ganacsi ee Itoobiya, gaar ahaan Dekedaha badda Cas, sida Somaliland, Jabuuti iyo Eritrea, si loo go&#8217;doomiyo Itoobiya, si taasi ugu suurto-gashana ay qas iyo amni-xumo ka abuurayso badda cas iyo Sues Kanal-ka, arrimahaasi oo dhan oo uu sheegay inay yihiin dagaal dadban oo ku socda Itoobiya.<\/p>\n<p>&#8220;Tani waxay u dhigantaa dib u bilaabid iyo ballaadhinta dagaalka dadban, si loo go&#8217;doomiyo Itoobiya, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanb.&#8221; ayuu qoraalkiisa ku sheegay Obang metho, waxaanu intaa ku daray in Masar ay doonayso inay xanibto Marinada Ganacsi ee Itoobiya &#8220;Waxa kale oo ay isku dayeysaa (Masar) inay xidhnaadaan jidadka ganacsiga ee Itoobiya, sida dekedaha Badda Cas ee Ereteriya, Jabuuti iyo Somaliland&#8230;&#8221;<\/p>\n<p>Obang metho oo qoraalkiisu dheeraa waxa kale oo uu ku sheegay in Masar arrimahaasi oo dhan fulintoda u isticmaalayso Siyaasad iyo Sirdoonkeeda.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa (Arabsiyonews) &#8211; Dagaalka siyaasadeed ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar isla-markaana Salka ku haya biyo-xidheenka Itoobiya ka dul-dhistay Webiga Niil, ayaa Maalinba weji cusub u gudbaya. Bilihii u dambeeyay oo dhan waxa lagu guul-daraystay inay wada-hadlaan oo ay heshiis gaadhaan Dawladaha Suudaan, Itoobiya iyo Masar oo ka wada faa&#8217;idaysta Biyaha Webiga Niil, maaddaama [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63389,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-63387","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/sddefault-16.jpg?fit=640%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gun","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63387","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63387"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63387\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63388,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63387\/revisions\/63388"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63389"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63387"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63387"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63387"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}