{"id":63371,"date":"2021-04-23T22:04:42","date_gmt":"2021-04-23T22:04:42","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63371"},"modified":"2021-04-23T22:07:45","modified_gmt":"2021-04-23T22:07:45","slug":"kenya-oo-sheegtay-inay-qunsul-u-magacowday-somaliland-una-gogol-xaadhay-in-diyaaradahoodu-hargeysa-yimaaddaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/04\/23\/kenya-oo-sheegtay-inay-qunsul-u-magacowday-somaliland-una-gogol-xaadhay-in-diyaaradahoodu-hargeysa-yimaaddaan\/","title":{"rendered":"Kenya Oo Sheegtay Inay Qunsul U Magacowday Somaliland, Una Gogol-xaadhay In diyaaradahoodu Hargeysa Yimaaddaan"},"content":{"rendered":"<p>Nairobi (Arabsiyonews) &#8211; Dawladda Kenya, ayaa Khuburo dhinaca duulimaadyada ah u soo dirtay Somaliland, si ay kormeer ugu sameeyaan Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p>Weftiga ka socdey Kenya isla-markaana dalka u yimid inay kormeeraan si ay u hubiyaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa hawshoodu la xidhiidhaa heshiis 15-ka December, 2020 ay wada gaadheen Somaliland iyo Kenya, kaasi oo ay ka mid ahayd in diyaaradda Kenya Airways iyo diyaaradaha kale ee Ganacsiga ee Kenya ay duulimaadyo ka bilaabaan Somaliland.<\/p>\n<p>Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Safarka Weftiga Kenya ku yimaaddeen Hargeysa, ayaa sheegtay in Weftigaasi qayb ka yahay dardar-gelinta sidii loo fulin lahaa heshiisyadii labada dal wada gaasheen sannadkii hore ee 2020 &#8220;Muddadaa saddexda bilood ah waxa la sameeyay Horumar weyn, haddaynu soo qaadano dhinaca duulimaadyada, Maareeyaha Madaarrada Somaliland wuxuu tagay Kenya, wuxuu la kulmay dhiggiisa, si loo dardar-geliyo heshiiskii (dhinaca duulimaadyada ee Kenya iyo Somaliland)..&#8221; ayuu sheegay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo u warramay Telefiishanka SAHAN, waxaanu intaa ku daray in Kenya soo dirtay Kooxo kormeer ku sameeya Madaarrada Somaliland &#8220;Kenya waxay soo dirtay Kooxo kormeer ku sameeya Madaarka Hargeysa, waxayna ka bixiyeen War-bixin wanaagsan oo Heer sare ah, kuwaasi oo Hargeysa ka noqday, markaa heshiiskii dhinaca duulimaadyadu waa diyaar oo waalla dhamaystirayaa, haddii Allaah yidhaahdo..&#8221;<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Kenya, ayaa sheegtay inay Qunsul guud u soo Magacowday Somaliland.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay sheegtay in Madal uu khudbad ka jeediyey Ababu Namwamba oo ah Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya uu goob-joog ka ahaa Qunsul guud oo Kenya u soo Magacowday Xafiis ay doonayso inay furanto\u00a0 Hargeysa.<\/p>\n<p>Qoraal lagu baahiyey Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, ayaa lagu sheegay in &#8220;Mr. Ababu Namwamba uu khudbad ka jeediyey kulan lagu soo xidhayey Tababbar ku saabsanaa qaabka Xidhiidhka Caalamiga ah..&#8221; Halkaas oo uu ku sugnaa Qunsul guud oo Dawladda Kenya u soo Magacowday Qunsuliyad ay doonayso inay ka furato Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida lagu sheegay Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya.<\/p>\n<p>Laakiin, Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibeddu baahisay laguma xusin Magaca Qunsulka Kenya sheegtay inay u soo Magacowday Somaliland.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, haddii Kenya si rasmiya Hargeysa uga furato Qunsuliyad, waxay ku biiri doontaa Dawladaha Jabuuti, Ingiriiska, Turkiga, Itoobiya, Taiwan iyo Imaaraadka Carabta oo Xafiisyo ku leh Somaliland.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nairobi (Arabsiyonews) &#8211; Dawladda Kenya, ayaa Khuburo dhinaca duulimaadyada ah u soo dirtay Somaliland, si ay kormeer ugu sameeyaan Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa. Weftiga ka socdey Kenya isla-markaana dalka u yimid inay kormeeraan si ay u hubiyaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa hawshoodu la xidhiidhaa heshiis 15-ka December, 2020 ay wada gaadheen Somaliland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63373,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[3,10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-63371","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-arimaha-bulshada","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/sddefault-15.jpg?fit=640%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gu7","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63371","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63371"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63371\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63375,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63371\/revisions\/63375"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63373"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63371"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63371"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63371"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}