{"id":6332,"date":"2015-02-18T10:58:09","date_gmt":"2015-02-18T10:58:09","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6332"},"modified":"2015-02-18T10:58:09","modified_gmt":"2015-02-18T10:58:09","slug":"nicholos-kay-oo-hayadda-bisha-cas-ee-qadar-kala-hadlay-xaaladda-somalia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/18\/nicholos-kay-oo-hayadda-bisha-cas-ee-qadar-kala-hadlay-xaaladda-somalia\/","title":{"rendered":"Nicholos Kay Oo Hay\u2019adda Bisha Cas Ee Qadar Kala Hadlay Xaaladda Somalia"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/Danjire_Nicholas_Kay_iyo_QRC.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6335\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/Danjire_Nicholas_Kay_iyo_QRC-300x154.jpg?resize=300%2C154\" alt=\"Danjire_Nicholas_Kay_iyo_QRC\" width=\"300\" height=\"154\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Wafti ka socda QM uuna hoggaaminayo dajiraha Somalia ee QM, Nicholas Kay ayaa kala hadlay Qatar Red Crescent (QRC) sidii kor loogu qaado wada-shaqayn; isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah.<br \/>\nXubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa ku xigeenka danjire Kay, Noboru Fernandes de Abreu iyo kaaliyaha howl-galka QM ee Somalia, iyagoo kulan la yeeshay madaxa guud ee hay\u2019adda QRC, Saleh Ali bin al-Mohannadi, xoghayaha guud ee hay\u2019adda, Hamad al-Fayyad iyo madaxa xafiiska QRC ee Afrika, Izedeen Elglal.<br \/>\nGuddoomiyaha QRC, Al-Mohannadi ayaa warbixin ka siiyay wafdiga howlaha gargaarka iyo horumarineed ee QRC ay ka hayso Somalia, isgaoo xusay inay ka go\u2019an tahay hay\u2019ada inay sii xoojiso howlaha ay ka hayso Soomaaliya.<\/h2>\n<h2>\u201cHay\u2019addu xilliyadii dambe waxay ka fulisay Soomaaliya howlo kala duwan oo dhinaca samafalka ah, kuwaasoo ay ugu horreeyay bixinta gargaaro dhanka bani\u2019aadamnimada ah,\u201d ayuu yidhi Al-Mohannadi.<\/h2>\n<h2>Sidoo kale, dhinacyadu waxay kawada hadleen xaaladda Somalia, iyadoo uu danjire Kay si aad ah uga hadlay ammaanka, dhaqaalaha, caafimaadka iyo shaqooyinka cusub ee Somalia ay u baahan tahay, isagoo madaxda QRC ku boorriyay inay wada-shaqeyn wanaagsan kala sameeyaan qodobbadan uu ka hadlay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.<\/h2>\n<h2>\u201cWaxaan dalbanaynaa in xukuumadda Qatar, hay\u2019adaha QM ee samafalka ka shaqeeya, gaar ahaan UNHCR iyo UNICEF inay kawada shaqeeyaan sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Somaaliyeed,\u201d ayuu yidhi danjire Kay.<\/h2>\n<h2>Madaxa QRC Al-Mohannadi ayaa isaguna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in barakacayaasha kasoo hayaamay deegaannadoodii in guryo loo dhiso loona sameeyo mashaariic wax-soo-saar leh. Sidoo kalena ay ka shaqeeyaan dib u soo celinta noloshii caadiga ahayd ee Muqdisho.<\/h2>\n<h2>\u201cXafiiskeenna Somalia wuxuu hirgeliyay mashaariic badan oo horumarineed oo ay ka mid yihiin; xarun caafimaad oo laga furay degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, xaruntaas oo qaabisha 30,000 oo qof bil walba, kuwaasoo ka mid ah dadka ku nool degmada iyo kuwo ka yimaada goobaha ku dhow,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray Al-Mohannadi.<\/h2>\n<h2>Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa amaanay howlaha howlaha QRC ay ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iskuullada, shaqaaleysiinta macallimiin badan, tallaalada iyo sidoo kale hirgelinta kulleejooyin wax lagu barto.<\/h2>\n<h2>Ugu dambeyn, wafdiga ka socda Qaramada Midoobay iyo mas\u2019uuliyiinta QRC ayaa isku af-gartay in Somalia laga fuliyo mashaariic horumarineed inta lagu jiro sannadkan cusub ee 2015-ka.<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wafti ka socda QM uuna hoggaaminayo dajiraha Somalia ee QM, Nicholas Kay ayaa kala hadlay Qatar Red Crescent (QRC) sidii kor loogu qaado wada-shaqayn; isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah. Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa ku xigeenka danjire Kay, Noboru Fernandes de Abreu iyo kaaliyaha howl-galka QM ee Somalia, iyagoo kulan la yeeshay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6335,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6332","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1E8","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6332","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6332"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6332\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6332"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6332"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6332"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}