{"id":63245,"date":"2021-04-16T21:23:19","date_gmt":"2021-04-16T21:23:19","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63245"},"modified":"2021-04-16T21:23:19","modified_gmt":"2021-04-16T21:23:19","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-baaq-nabadeed-u-diray-beelo-walaalo-ah-oo-dirir-ku-dhexmartay-gobolka-sool","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/04\/16\/madaxweynaha-somaliland-oo-baaq-nabadeed-u-diray-beelo-walaalo-ah-oo-dirir-ku-dhexmartay-gobolka-sool\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland oo Baaq nabadeed u diray Beelo walaalo ah oo dirir ku dhexmartay Gobolka Sool"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(Arabsiyonews):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso deegaanka Ceelka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Maamulka Gobolka Iyo Hay\u2019adaha Amniga amray Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Cidkasta Oo Nabadda Doc-Wareemaysa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.<\/p>\n<figure id=\"attachment_82660\" class=\"wp-caption aligncenter\" aria-describedby=\"caption-attachment-82660\"><a href=\"https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?ssl=1\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-82660 jetpack-lazy-image jetpack-lazy-image--handled\" src=\"https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?resize=696%2C493&amp;ssl=1\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" srcset=\"https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?w=1024&amp;ssl=1 1024w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?resize=400%2C284&amp;ssl=1 400w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?resize=529%2C375&amp;ssl=1 529w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?resize=768%2C545&amp;ssl=1 768w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?resize=100%2C70&amp;ssl=1 100w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Muuse-Biixi-Cabdi.jpg?resize=696%2C493&amp;ssl=1 696w\" alt=\"Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi\" width=\"696\" height=\"493\" data-recalc-dims=\"1\" data-lazy-loaded=\"1\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-82660\" class=\"wp-caption-text\">Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi<\/figcaption><\/figure>\n<p>War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa uu u qornaa sidan:-<\/p>\n<p>\u201cMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda Woqooyi Bari ee gobolka Sool.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay.<\/p>\n<p>Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool,<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay\u2019adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa.<\/p>\n<p>Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi,\u201d Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.<\/p>\n<p><strong>Arabsiyonews.com<\/strong><\/p>\n<p><b>Arabsiyonews2020@gmail.com<\/b><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(Arabsiyonews):-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Baaq Nabadeed u diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso deegaanka Ceelka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Maamulka Gobolka Iyo Hay\u2019adaha Amniga amray Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Cidkasta Oo Nabadda Doc-Wareemaysa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63161,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-63245","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/167268596_2873747756277137_7474292285339196014_n.jpg?fit=640%2C534&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gs5","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63245","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63245"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63245\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63246,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63245\/revisions\/63246"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63161"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63245"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63245"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63245"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}