{"id":63063,"date":"2021-04-07T17:05:20","date_gmt":"2021-04-07T17:05:20","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=63063"},"modified":"2021-04-07T17:05:20","modified_gmt":"2021-04-07T17:05:20","slug":"maxaa-kasoo-baxay-wada-hadalladii-masar-sudan-iyo-ethiopia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/04\/07\/maxaa-kasoo-baxay-wada-hadalladii-masar-sudan-iyo-ethiopia\/","title":{"rendered":"Maxaa Kasoo Baxay wada-hadalladii Masar, Sudan iyo Ethiopia ?"},"content":{"rendered":"<p><span class=\"dateline\">KINSHASA \u2014\u00a0<\/span>Masar, Sudan iyo Ethiopia ayaa ku guul-darreystay inay wax horumar ah ka sameeyaan wada-hadalladii ugu dambeeyey ee uu soo agaasimay Midowga Africa, ee xalka loogu raadinayey muranka ka taagan biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameyneyo webiga Nile.<\/p>\n<p>Wasiirada arrimaha dibedda iyo kuwa waraabka ee saddexda dal ayaa ku kulmay magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Congo oo iminka ah gudodonka ururka Midowa Afrika.<\/p>\n<p>Wareeggii ugu dambeeyey ee wada-hadallada ayaa isku dayayey inay heshiis looga gaaro sidii dib loogu billaabi wada-xaajoodka ku saabsan howlgalka ay Ethiopia ku buuxineyso biyo-xireenka.<\/p>\n<p>Si kastaba, kulanka oo socday afar maalmood ayaa soo dhammaaday ayada oo aan heshiis la gaarin, kadib markii Ethiopia ay diiday qorshe ay soo jeedisay Sudan, oo Masar-na ay taageertay, oo ahaa in dhex-dhexaadiyayaal caalami ah laga qeyb-geliyo wada-hadallada, sida ay sheegeen Masar iyo Sudan.<\/p>\n<p>Diblomaasiga ugu sarreeya Masar ayaa sheegay inay murankan gayn doonaan Golaha Ammaanka ee QM.<\/p>\n<p>Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in \u201cEthiopia aysan geli karin heshiis diidaya xuquuqdeeda iminka iyo tan mustaqbalka ee isticmaalka webige Nile.\u201d<\/p>\n<p>Masar ayaa horey u sheegtau in kulankii ugu dambeeyey ee Kinshada uu ahaa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaari karo kahor inta aysan Ethiopia dib u billaabin buuxinta biyo-xireenka.<\/p>\n<p>Ma cadda waxa xigi doona, hase yeeshee Masar ayaa dhowaanahan jeedineysa hanjabaado la xiriira xiisadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>KINSHASA \u2014\u00a0Masar, Sudan iyo Ethiopia ayaa ku guul-darreystay inay wax horumar ah ka sameeyaan wada-hadalladii ugu dambeeyey ee uu soo agaasimay Midowga Africa, ee xalka loogu raadinayey muranka ka taagan biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameyneyo webiga Nile. Wasiirada arrimaha dibedda iyo kuwa waraabka ee saddexda dal ayaa ku kulmay magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Congo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":63064,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-63063","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/117742399_852cbfcb-2a9f-45fb-b81a-f709dd51a4aa.jpg?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gp9","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63063","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=63063"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63063\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":63065,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/63063\/revisions\/63065"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/63064"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=63063"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=63063"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=63063"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}