{"id":62985,"date":"2021-04-03T14:29:39","date_gmt":"2021-04-03T14:29:39","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62985"},"modified":"2021-04-03T14:29:39","modified_gmt":"2021-04-03T14:29:39","slug":"puntland-oo-doonaysa-inay-somaliland-ku-shaabadayso-colaadda-deegaanka-shidan-ee-gobolka-sanaag","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/04\/03\/puntland-oo-doonaysa-inay-somaliland-ku-shaabadayso-colaadda-deegaanka-shidan-ee-gobolka-sanaag\/","title":{"rendered":"Puntland Oo Doonaysa Inay Somaliland Ku Shaabadayso colaadda Deegaanka shidan Ee Gobolka Sanaag"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) \u2013 Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa doonaya inuu siyaasadeeyo colaad laba beelood dhex taalla, kuwaasi oo Toddobaadyadii u dambeeyay uu dagaal ku dhex maray deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.<\/p>\n<p>Labada Beelood oo ku muransan dhul ku yaalla deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag, ayaa waxa waan-waan ka dhex wada odayaal dhaqameed is xil-qaamay, kuwaasi oo ku dedaalaya inay soo afjaraan colaadda labada Beelood oo soo noqnoqotay.<\/p>\n<p>Laakiin, Puntland ayaa sabab aan illaa hadda la fahmin Magaca Somaliland ugu soo dirtay Farriin ay u dirayeen Beelaha colaaddu dhex taallo ee deegaanka Shidan.<\/p>\n<p>Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Daparaani oo la hadlay Warbaahinta Garoowe Online ee Afka Ingiriisiga wax ku baahisa, wuxuu Somaliland ku eedeeyay inay Hurinayso colaadda deegaanka shidan.<\/p>\n<p>Jaamac Daparaani ayaa hadalkiisa ku yidhi\u00a0 \u201cWaxaan Somaliland Ugu Baaqeynaa in ayna hurin Colaadda u dhaxeysa labada Beelood ee Tuulada shidan ee Gobolka sanaag.\u201d<\/p>\n<p>Laakiin, hadalka Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa u muuqda mid siyaasadeed, kaasi Puntland ku doonayso inay colaadda deegaanka shidan ka dhigto mid Somaliland masuul ka tahay.<\/p>\n<p>https:\/\/www.garoweonline.com\/en\/news\/puntland\/somalia-puntland-warns-of-conflict-along-somaliland-borderr<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (Arabsiyonews) \u2013 Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa doonaya inuu siyaasadeeyo colaad laba beelood dhex taalla, kuwaasi oo Toddobaadyadii u dambeeyay uu dagaal ku dhex maray deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag ee Somaliland. Labada Beelood oo ku muransan dhul ku yaalla deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag, ayaa waxa waan-waan ka dhex wada odayaal dhaqameed is [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62986,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62985","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Snapshot_196.png?fit=1920%2C1080&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gnT","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62985","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62985"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62985\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62987,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62985\/revisions\/62987"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62986"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62985"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62985"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62985"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}